Maxamuud Sayid Aadan oo si qarsoodi ah lagu soo geliyey gobolka GEDO

Mandheera (Caasimada Online) – Madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa si qarsoodi ah habeeno ka hor ku tagay gobalka Gedo.

Caasimada Online ayaa ogaatay in madaxweynaha uu dhinaca Mandheera ka soo galay dorraad galab, islamarkaana uu hadda ku sugan yahay meel u dhaxeysa degmooyinka Luuq iyo Ceel-waaq ee gobalka Gedo.

Sidoo kale wararka aan helnay ayaa sheegaya in ay la socdaan ciidamo Kenyan ah, waxaana lagu keenay gaadiidka qafilan ee Milateriga Kenya. Wafdigiisa ayaa waxaa ka mid ah Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha Jubaland Maxmaed Axmed Cali iyo Saraakiil Ciidan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi kawada kulamo uu la qaadanayo Saraakiil ka tirsan ciidankii Jubbaland ka goostay ee ku biiray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo laga dalbaday in ay ku soo laabtaan Jubbaland.

Wafdiga Maxamuud Sayid Aadan oo ay la socdaan ciidamo Kenyaan ah oo aad u qababeysan ayaa wali gobalka kawada kulamo gaar gaar ah oo ay la qaadanayaan dadka degaanka iyo maamulada taabacsan.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa muddo ku xayirnaa Mandheera kadib markii ciidankii ka goostay Jubaland eek u biiray dowladda iyo dad shacab ah ay is-hortaageen.

Gedo ayaa waxay marti gelineysaa kulamo iska soo horjeeda oo ay wadaan masuuliyiin ka kala tirsan dowladda Soomaaliya iyo Jubbaland, lamana oga halka ay xalaadda ku dambeyn doonto.