Sawirro: Mid ka mid ah beelaha daga Hiiraan oo suldaan caleemo saaratay  

Xaflad si wayn loo soo Agaasimay  oo ay ka soo qeyb galeen salaadiin,  Culumo, siyaasiyiin, haween dhalinyaro iyo wax garad ka tirsan beesha Reer aw xasan ayaa maanta ka dhacday magaalada muqdisho.

Caleemo saarkan oo ahaa mid si wayn loo soo abaabulay ayaa waxaa hadalo ka jeediyay mas’uuliyiintii ka soo qeyb gashay xaflada caleemo saarka Suldaanka.

Beesha Suldaanka dooratay oo ka tirsan Reer Awxasan , ayaa waxay sheegeen dadkii halkaasi ka hadlay in suldaanka looga baahan yahay shaqo aad u muhiim ah, iyo in uu isku keeno beesha

Mas’uuliyiintii ka hadashay halkaas ayaa waxaa ka mid ahaa  Suldaan Axmed Suldaan Cabduqaadir oo ah suldaanka la caleemo saaray, iyo nabadoono ay ka midyihiin Nabadoon Bashiir Cali, Nabadoon Cabdisamad Muxumed Xaaji Barkhadle, Nabadoon Xasan-Biriye Cumar, Nabadoon Ibraahim Sheekh Muxumed (Leeb) iyo Nabadoon Ibraahim Sheekh Khaliif waxayna dardaaran dheer u jeediyeen Suldaanka la doortay.

Suldaanka ayaa balan qaaday in uu ka soo baxaya howshii loo igmaday, waxa uuna sheegay in beelaha Soomaaliyeed uu ugu baaqayo Nabad iyo in ay ku wada Noolaadaan barwaaqo.

Sidoo kale waxa uu sheegay in uu xalin doono khilaaf uu sheegay in beesha  uu ua dhaxeeyo, waxa uuna halkaas kaga dhawaaqay baaq Nabadeed.

Ugu danbyn suldaanka ayaa halkaas waxa uu kaga duceeyay beesha uu xilkaasi u qaaday iyo umada soomaaliyeed, asaga oo alle ka baryay in uu dhibaatada ka dul qaado umada Soomaaliyeed.

Cabdixakiin Cilmi Xasan
Cabdixakiin441@hotmail.com