Wararkii ugu dambeeyey ee Dhuusamareeb iyo tartanka guddoomiyaha baarlamanka

Dhuusamareeb (Caasimadda Online) – Maanta oo Khamiis ah ayaa la filayaa in Xildhibaannada Cusub ee Dowlad goboleedka Galmudug ay dhageystaan khudbadaha musharixiinta u taagan qabashada xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Musharixiinta is diiwaangeliyey ee ku tartami doona xilka guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo gaaraya 7 Xubnood ayaa shalay isdiiwaangeliyey, iyaga oo sidoo kale gudbiyey taariikh nololeedkooda.

Seddex musharax oo kamid ah todobada musharax ee is daanwaan geliyey ayaa u taagan xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug, waxayna kala yihiin:

1.Maxamed Nuur Gacal.

2.Xildhibaan Abdinaasir Aadan Cusmaan

  1. Cabdullaahi Axmed Calasow.

Sidoo kale musharixiinta guddoomiye ku xigeenada koowaad iyo labaad ee xilkaasi u taagan  ayaa waxaa ay gaarayaan ku dhawaad 4 afar musharax.

Maalinta Berrito ah oo Jimco ah ayaa lagu wadaa in Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug lagu qabto doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug.

Ammaanka goobta ay ka dhacayso doorashada ayaa aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka lagu arkayo ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomnaaliya.

Tartanka xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo cidda ku guuleysato ayaa laga ogaan doonaa cidda leh awoodda ugu badan Baarlamaanka Galmudug oo ay ku tartamayaan Xisbiyada Mucaarad,Dowladda Soomaaliya iyo Musharixiin madax banaan oo uu ugu horreeyo Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.