JUBALAND oo kumanaan dollar kadib soo ceshatay ciidankii uga goostay DF

Kismaayo (Caasimada Online) – Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha ee dowlad gobaleedka Jubaland Maxmaed Axmed Cali ayaa xaqiijiyay in kumanaan dollar ay siiyeen ciidamo hore uga goostay maamulka Jubbaland oo ku biiray dowladda Soomaaliya, kuwaas oo hadda dib ugu soo laabtay maamulka Jubbaland.

Wasiirka ayaa sheegay in ciidankaan ay dhibaatooyin badan mareen markii ay ku biireen dowladda Soomaaliya kadib markii ay waayeen dhamaan xuquuqdii ay lahaayeen, sida uu sheegay, islamarkaana ay dalbadeen in laga bixiyo lacago lagu lahaa oo deyn ah.

“lacag ku dhow 30,000 ayaa ka bixinay oo looga yeeshay dukaamanka iyo baqaaradii ay saarnaayeen, sidoo kale waxaa siinay lacago ay kaalmo ka dhigtaan” ayuu yiri Wasiirka oo la hadlay Radio Kulmiye ee magaalada Muqdisho.

“Xaq ayey u leeyihiin intaas iyo ka badan waxaana sidoo kale deymaha ka dhibi doonaa maamuladii kale ee beenta loo sheegay iyo saraakiisha oo dhan, sababtoo ah waxay ahaayeen kuwa la qalday” ayuu hadalkiisa sii raaciyay Wasiirka Shaqada iyo Shaqalaha ee Jubbaland.

Caasimada Online ayaa xaqiijisay in tobaneeyo kamid ah ciidankii ka goostay Jubbaland ay dib ugu laabteen maamulkaasi kadib markii lagu yeeshay deymo badan, oo dowladda ay lacag ka waayeen.

Maamulka Jubaland ayaa ka mid ah maamullada dalka ee inta badan aysan kasoo yareeyn ciidankodoa cabasho mushahar la’aan ah, taasi oo hadda ka saaciday in ciidankii ka goostay ay dib ugu soo laabtaan.