Garsoorayaal sii daayay nin 30 sano ku xukumnaa oo sharciga la mariyay

Muqdisho (Caasimada Online) Maxkamada Sare ee dalka ayaa maanta oo Talaado ah waxa ay shaqada ka ceyrisay seddax garsoore oo ka tirsan maxkamadda racfaanka, kuwaasoo lagu helay in ay ka dambeeyeen sii deeynta nin lagu xukumay 30-sano oo xarig ah.

Guddoomiyaha maxkamadda sare Ceydiid Cabdulaahi Ilkaxanaf ayaa saxaafadda u sheegay in ninka la sii daayay uu ka dambeeyay dilka labo shaqaale oo ajaaniib ah oo ka tirsanaa hey’adda MSF kuwaasoo la dilay sannadkii 2011-ka.

“ Waxa jirtay in nin la shaqeen jiray hey’adda MSF ee magaalada Muqdisho kaasoo loo qabtay dilka labo dhaqtar oo u kala dhashay Belgium iyo Indonesia oo lagu dilay xaafada Buulo-xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

“Ninkan ayaa sheegay in uu qirtay dilka labada shaqaalaha oo bastooladii iyo wixii uu ku dilay la soo qabtay ayaa lagu qabtay, maxkamadda gobalka ayaa la geeyay, dacwadiina maxkamadda gobalka ayaa qaaday dacwadda waxa ay ku xukuntay ninkii 30-sano oo xarig ah iyo ganaax lacageed oo aad u badan.

“Racfaan buu ka qaatay markaas ninkii, racfaankii garsoorayaal seddax ah ayaa dacwada racfaanka galay, markiina waxa garsoorayaasha amreen in la sii daayo ninka, oo xabsiga laga sii daayo waliba sida ugu dhaqsiyaha badan, ninkii wuu tagay isla maalintiiba waa uu baxsaday, waxana aan oggaanay in uu galay Guriceel.”

Wuxuu intaas ku daray guddoomiyaha maxkamadda sare in MSF shaqaalihii ka joogay Guriceel ay isaga baxeen magaalada Guriceel markii ay oggaadeen in ninka uu soo galay halkaas,waxan markii dambe ay ka baxeen dhammaan gobalada dhexe oo dhan.

Marka waxa soo baxday in isbitaaladii MSF ay joogeen in ay soo baxeen dhaqtar la’aan iyo dawo la’aan toona, marka annaga ayaa galnay kulan oo ah guddiga adeegga sare ee garsoorka uu ugu weyn yahay guddoomiyaha maxkamadda sare, waana fadhiisanay.

Marka wuxuu sheegay in ay u soo baxday waxa uusan xaq u lahayn garsoorka in ay meesha ka soo baxeen markiiba xukun ayaa ku dhacay seddaxda garsoor ayuu yiri Ilka xanaf.

Ma ahan wax ku cusub arrimahan Soomaaliya, waayo dhowr jeer ayey dhaceen iyadoo nin la xukumay la sii daayo ama lagu helo dambi culus, waxana door ku leh arrimahaas hey’addaha dowladda, gaar ahaan kuwa ciidanka ama maxkamaddaha dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho