Warbixin: Socdaalka Fowsiya ee Roma

Roma (Caasimada Online) Wafdi ay hooggaamineyso ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan ayaa maanta oo Talaado ah booqday saxaafaradda Soomaaliya ay ku lee dahay magaalada Roma ee dalka Talyaaniga.

Wasiirka iyo wafdigeeda ayaa soo booqatay xarunta safaaradda iyo dhammaan qolalka ku yaalla, halkaas oo ay kula kulantay danjiraha Soomaaliya u fadhiya dalkaas iyo midowga Yurub Nuur Xuseen Nuur Cadde.

Waxa kaloo wasiiradda ay kulan la qaadatay jaaliyadda Soomaalida ee ku dhaqan Roma, iyadoona kala hadashay siddii wax loogu qaban lahaa dalka, iyo in laga shaqeeyo in Soomaalida ku dhaqan dalkaas ay u noqon lahaayeen kuwa isku xiran.

Wasiirkadda ayaa sidoo kale sheegtay in dowladda Talyaaniga ay kala hadashay siddii dadka Soomaalida ee ku nool Talyaaniga loo oggaan lahaa oo aan la dhibaateen.

Wasiiradda oo socdaalo hadda ku maraysa Yurub ayaa shaley la kulantay dhiggeeda dalka Tanyaaniga Giulio Terzi.

Kulanka labada Wasiir oo qaatay saacado dhowr ah ayaa waxa ay ku gorfeeyeen arrimo ay ka mid tahay adkeynta xiriirka labada dal Soomaaliya iyo Talyaaniga, iskaashiga dhinacyada horrumarinta, sida nabadgalyada, waxbarashada iyo Beeraha.

Waa markii ugu horreysay ee ra’iisal wasaare ku xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya ay booqato dalka Talyaaniga.

Wasiiradda ayaa horrey u soo booqatay dalka Ingiriiska, gaar ahaan magaalada London halkaasoo ay kula kulantay dhiggeeda dalkaas William Hague.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma