Diyaarad dhaawacyo badan ka qaaday Garbahaarey iyo xog kale.

Ciidamo badan oo ka socda dowlada dalka Ethiopia oo maalintii shalay gaaray magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo ayaa maanta fariisimo ka sameystay garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Dadka deegaanka ayaa Caasimada Online u sheegay in ciidamadaasi ay yihiin kuwo  aad u badan islamarkaana ku hubeysan gaadiidka dagaalka.

Ciidamadaan ayaa gelinkii hore ee shalay gaaray degmadaasi Garbahaarey,waxaana maanta sidoo kale ay fariisin ka dhigteen duleedka degmadaasi garbahaarey.

Dhanka kale warar hoose oo aan helayso ayaa  sheegaya in diyaarad kasoo dagatay dowlada garoonka Garbahaarey ay maanta ka qaaday degmadaasi dhaawacyada ciidamo isugu jiro Ethiopian iyo Soomaaliya kuwaasi oo ku waxyeeloobay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay gobolka.

Ma jiro wax faahfaahin intaasi sii dhaafsiisan,mana jiro wax war ah oo kasoo baxay maamulka gobolka iyo kan Degmada.