3 QODOB oo looga hadlay kulan maanta dhex maray Xasan Kheyre iyo Jawaari

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre, oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha ayaa maanta hoygiisa qado sharaf ugu sameeyey Guddoomiyihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, kulankaasi ayaa diirada lagu saaray arrimaha doorashooyinka, marxlada kala guurka, iyo mustaqbalka dalka, xili weli heshiis rasmi ah ay saamileyda siyaasadu ka gaarin nooca doorasho ee dalka.

Xasan Cali Khayre ayaa intii uu kulanku socdsay waxuu ku celiyay muhiimadda ay ummadda Soomaaliyeed u leedahay doorasho la isla ogolyahay oo waqtigeeda ku dhacda, si looga baaqsado khalkhal dhinacya badan oo dalka ku yimaada.

Khayre oo xafiiska Ra’iisul Wasaaraha baneeyay July 25, 2020 ayaa dhawaan shaaciyay inuu yahay musharax u taagan xilka madaxweynaha dalka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xili uu dhawaan Kheyre ku dhawaaqay inuu yahay musharax u taagan jagada madaxweynaha Soomaaliya oo lagu wado inay bilowga sanadkan soo socda ka qabsoomto dalka, inkasta oo uu ku gadaaman-yahay mad-madow badan.

Ra’iisal wasaare Kheyre iyo Guddoomiye Jawaari ayaa la rumeysan yahay inuu xiriirkoodu xumaa muddooyinkii dambe, xili lagu tiriyo in xukuumaddii uu hogaaminayay Kheyre ay kaalin ku lahayd in xilka laga tuuro Jawaari.

Wuxuuna kulankani noqonaya midkii u horeeyay ee dhex-mara Kheyre iyo Jawaari, tan iyo markii uu khilaafka siyaasigu soo kala dhex-galay, wuxuna qeyb ka noqonaya ololaha xoogan ee talada dalka uu ku rabo Kheyre.