3 qodob oo mugdi gelinaya qabsoomidda SHIRKA uu FARMAAJO ku dhowaaqay

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa talaadadii markii saddexaad muddeeyey shir isaga iyo madaxda dowlad goboleedyada isugu yimaadaan oo ka dhaco Muqdisho.

Shirkan sida qorshuhu yahay dhacaya khamiista ayaa lagu wadaa in lagu saxiixo heshiis guddiga farsamo ee Baydhabo kasoo saareen February 16. Hase yeeshee waxaa jira afar qodob oo mugdi gelinaya qabsoomidda shirkaas, oo kala ah:-

1- Warar xog ogaal ah oo laga helay saraakiisha sare ee Puntland iyo Jubaland ayaa sheegaya in Farmaajo aanu muddeynta shirka Khamiista kala tashan labadaasi maamul, ayna usoo soco Muqdisho, ilala laga fuliyo shuruudihii ay horey ugu xireen la-kulanka Farmaajo ee mustaqbalka.

2- Shirkan uu Farmaajo ku baaqay waxaa uu ka hor-imanaya qorshe ay beesha caalamku wadday oo ah in lagu qabto Xalane, taasi oo ay dhinacyada ku qanacsan yihiin, sidoo kalena la rumeysan yahay inay doonayaan Puntland iyo Jubaland. Qoraalkii ay beesha caalamka maanta soo saartay, marnaba kuma xusin beesha caalamka shirkan, taasi oo ka duwan sidii ay horey u sameyn jirtay, waxayna ku gaabsatay kaliya in kulan la isugu yimaado.

3- Shirka Farmaajo iclaamiyey, waxaa uu dharbaaxo ku yahay, shir kale oo khamiista ku balansanaayeen ra’isul wasaaraha xil gaarsiinta Maxamed Rooble iyo musharaxiinta, loogana hadlayey kasoo qeybgalka shirkaas ama korjoogte iney ka noqdaan shirka doorashada saamileysa gaar ahaan guddiga matalaya musharaxiinta, wayna adkaan doonta in shirkan uu isla maalinkaas qabsoomo. Shirkan waxaa uu sidoo kale Farmaajo kusoo aadiyey laba maalin kahor dibadbaxa looga soo horjeedo ee la qorsheeyey inuu dhaco sabtida soo socota, si bannaanbaxa u dhaco xilli dalku doorasho aaday.