3 Xadgudub dastuuri ah oo ka muuqda heshiiska madasha iyo gef la galay dadka gobolka Banadir

Haddaa si taxadir leh u akhriso go’aamada madasha wada tashiga waxaad kuu soo baxay in 3 xad gudub dastuuri ah uu jiro oo ka dhigayo heshiiska qaarkii mid waxkama jiraan ah.

1. Tusaale ahaan Dastuurka (KMG) Qodobka 72aad wuxuu qeexayaa:.” Tirada Xubnaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka waxaa si toos ah, qarsoodi ah oo madaxbannaan u dooranaya shacabka Dawladaha xubnaha ka ah Dawladda Federaalka”. Laakiin go’aanada madasha waxay tilmaamayaan in dowlad goboleedyada ay soo xulayaan xubnaha aqalka sare meesha ay shacabka goboladaasi ay soo dooran lahaayeen xubnaha aqalka sare.

2. Dastuurka (KMG) Qodobka 72aad wuxuu kaloo qeexayaa: “tiradoodana waa ugu badnaan 54 Xildhibaan oo ka imaanaya 18kii gobol ee Soomaaliya lahayd ka hor 1991kii, 18 gobol waxaa ka mid ah gobolka Banaadir. Waxaa sharci daro ah in la wada qeybiyey 54 xubnood iyadoon waxba loo qoondeynin Gobolka Banaadir oo ah gobolka ugu shacab badan Soomaaliya. Gobolka waxaa ku nool tirada ugu badan ee shacab Soomaaliyeed ee magaalo ku nool sidee ku dhacday in laga qadiyo aqalka sare? Waxaa lagu qiyaasaa ugu yaraan 3 million inay ku nool yihiin gobolka Banaadir. Waa 1/3 oo shacab Soomaali ah oo xuquuqdooda dastuuriga laga qaaday.

3. Qadobka 72aad ee Dastuurka (KMG) xarafka (b) wuxuu kaloo qeexayaa: ” in tarad aqalka sare saldhig looga dhigayo:(b) Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka waxay Aqalka Sare ku yeelanayaan xubno tiro isle’eg ah. Waxaan halkan ka muuqda sharci daro kale oo dastuuri ah. Waayo 54 xubnood looma qeybin si siman.

Haddii laga fiiriyo 18 gobol waxay aheyd in gobol weliba uu helo 3 xubnood. Taasi ma dhici.

Haddiise loo fiiriyo dowlad goboleedyada jira iyo kuwa la filaya ( Hiiraan-Sh. Dhexe iyo Banaadir) oo Somali Land ku jirto markaasi waxay noqonayaan 7 gobol oo mid welib helaya 7 xubnoon si siman loo qeybiyey oo waxaa soo haraya 5 xubnood oo labada aqal ay go’aan ka gaari doonaan wixii laga sameyn lahaa.

my picture finalHaddiise lagu daayo sida hadda loo qeybiyey (oo gobolka Banaadir uu ka maqan yahay) iyadana waa sharci daro ah waayo looma wada sinna sida dastuurka ku qoran. Gobolada Soomaali Land iyo Buntland waxaa la siiyey min 3 xubnood oo dheeraad halka gobolada kale laga siiyey min 6 xubnood. Waxaa kaloo qasan is dhexgelinta lays dhexgeliyey howlaha aqalka sare iyo kuwa aqalka hoose oo la garaneynin baahida keentay in baarlamaanka Soomaaliyeed loo kala qeybiyo iyadoo la tixgelin dhaqaalaha iyo logistikada marka la maareynayo laba aqal baarlamaan.

Sharciyaqaan Sh. Xasan Jaamici, J.D.
email: xasanjaamici@gmail.com