Jubbaland oo caddeysay mowqifkeeda madasha

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Jubaland oo ka mid ah maamul goboleedyada ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa soo dhoweeyay go’aankii dowlada Somalia ee shirka wada-tashiga qaran (MWQ) ee lagu qabtey magaalada Muqdisho.

Shir jaraa’id oo uu magaalada Muqdishu ku qabtay afhayeenka maamulka Jubaland Cabdinaasir Seeraar Maax ayaa waxa uu sheegey in maamulkoodu taageersan yahay qoraalka xukuumada Ra’isal wasaare Cumar Cabdirashid kasoo saartey Muqdisho ee ku saabsanaa qaabka doorashada noqonayso sanadkan 2016.

“Maamulka Jubaland waxa uu soo dhowaynayaa war murtiyeedkii Shirkii madasha wada tashiga qaran (MWQ) ee ka dhacay magaalada Muqdisho” sidaasi waxaa yiri afhayeen Cabdinaasir Seeraar Maax .
Afhayeen Jubaland ayaa ugu danbayntii sheegey “ inkastoo aan weli wax la saxiixin oo wax badani dhiman yihin haddana Jubaland waxay qaadatay go’aanka inta badan ee ay ku jirto beesha caalamka”.

Shirka wada-tashiga madaxda Somaliyeed ayaa waxaa ka soo baxay in tirada kuraasta baarlamanka Hoose ee dalka uu noqdo 275 laguna qabsado 4.5, halka aqalka sare lagu soo xulo qaab degaan iyadoo Somaliland iyo Punland yeelanayaan min 11 Xubnood halka afarta Maamul Goboleed ee kale ay qaadanayaan 8 xubnood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com