C/raxman Faroole: Xasan Sheekh waa munaafaq

Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore Puntland Cabdiraxmaan Shiikh Maxamud Faroole ayaa soo dhaweyay go’aanka dowladda Puntland ka qaadatay waxyaabaha laga soo saaray shir hogaamiyaasha Soomaalidu ku lahaayeen magalada Muqdishu, wuxuuna taageeray banaanbaxyada lagu xoojinayo mowqifka xukuumadda.

Faroole oo warbaahinta kula hadlay hoygiisa magalada Garoowe, ayaa ku dheeraaday doorkii Puntland ku lahayd midnimada Somalia, hirgalinta nidaamka Federalism-ka iyo ka gudbidii KMG-nimda, isagoo sheegay in shirar ka dhacay Puntland gaar ahaan Garowe looga baxay habka wax ku qaybsiga beelaha.

Kulankaas ayuu xusay in xitaa lagu go’imayay dastuurkana lagu dhigay qaabka loo maaraynayo doorashada dhici doonta 2016 gaar ahaan soo xulista Xildhibaanada, wuxuuna sheegay in xilligaas la isku afgartay in Barlamanka imaan doona sannadkan lagu saleeyo deegaan lagana gudbo qabiil.

Arrintaas ayuu Madaxweyne Faroole cadeeyay in Madaxweyne Xasan Sheekh ku tuntay, kuna sameeyay xadgudub dadka oo dhan ka dharagsanyihiin, isagoo tusaale u soo qaatay dagaallo uu sheegay in laga maleegay dalka iyo lacago lagu bixiyay qaabkii loo faragalin lahaa dastuurka dalka.

Farole, wuxuu sidoo kale Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh, ku dhaliilay ka been sheegista kitaabka ALLE, isagoo soo daliishaday Xadiith, micna ahaan u dhignaa (Calaamadaha munaafiqa lagu garto waa saddex;  Marka uu sheekaynayo wuu been sheegayaa, marka ballan uu galo wuu kabaxayaa, marka la aaminana wuu khiyaamayaa).

Dhinaca kale Madaxweyne Farole ayaa beesha caalamka uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Somalia, balse wuxuu ku dhaliilay faragalinta ay ku hayaan arrimaha dalka gaar ahaan wadahadallada looga xaajoonayo hab raaca doorashada 2016, wuxuuna ka codsaday inay la yimaadaan mowqif cad oo xusaya in arrimaha Somalia faraha kala baxaan ama ay si cad u maamulaan sida uu Madaxweynuhu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com