340: Lambarka muujiyey guusha dowlada Farmaajo iyo waxay ku duwan tahay

Kaddib markii shakay lagu dhawaaqay miisaaniyadda dowladda federal-ka ee 2019, waxaa muuqday is bedel weyn iyo guulo la taaban karo oo laga gaaray sare u qaadista dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowladda ay soo xareyso.

Lamabrka 340, oo iha inta milyan ee miisaaniyadda 2019 ay tahay ayaa ah astaan muujineysa guulaha dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku tallaabsatay intii ay dalka maamuleysay.

Xukumadda Federal-ka ah ee la baxday magaca Nabad iyo Nolol ayaa sameysay laba miisaaniyadood intii ay dalka mamaulkiisa gacanta ku haysay waxa ayna kala yihiin sida soo socota

Labadii miisaaniyadood ee ugu dambeeyey dowladdii Xassan Shikeh

1 – $246m (2016)

2 – $260m (2017)

Labada miisaaniyadda ee xukuumadda Nabad iyo Nolo.

1 – $274M (2018)

2 – $340M (2019)

Labada miisaaniyadood waxaa u dhexeeya farqi gaaraya $66m.

Dhinaca kale, haddii aan la barbardhigno farqiga u dhexeeya labadii miisaaniyadood ee ka horreeyey waxaa ku soo baxay – $260-%246  waa $16m!

Labada miisaaniyadood ee dambe iyo labada miisaanoyadood ee hore marka aad si gaar ah isha ula raacdo waxaa kuu soo baxaya in koritaanka dhaqaalaha ee dalka iyo koboca miisaaniyadda in ay xawaare ku socota dowladda marka la eego dowladda hadda ee Nabad iyo Nolol.

Sidoo kale waxaa halkaas ku cad, in ay is waafaqeen hadallada dowladda ah ee ay In dakhliga gudaha ka soo xerooda uu aad u kordhay, taas oo ay si cad uga muuqato miisaaniyadda shalay lagu dhawaaqay.

Dakhliga dowladda waxaa si muuqata kordhiyey laba arrin, oo midda koowaad ay tahay horumarka xagga dhaqaale ee dalka ka jira. Dhaqaalaha dalka oo kordha waa dhaqaalaha dowladda oo kordhay, maadaama dowladda wa ka hesho oo ay canshuurto ganacsiga.

Arrinta labaad ayaa ah in dowladda ay si aad ah ula dagaashay ugana hortagtay musuq-maasuqa, ayada oo malaayiin dollar oo laga dhici jiray dekedda Muqdisho iyo wasaaradaha dowladda ay xukuumadda xakameysay. Labada arrinba waxay muujinayaan dowlad ay daacad ka tahay wax qabad.

W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad
Muqdisho, Soomaaliya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid