JIG-JIGA kadib, Kismaayo ayaa u baahan xorreyn

Is-beddelka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay waxa uu noqday mid sare u qaaday dhawrista xuquuqul insaanka, ayada oo tacaddiyadii badnaa ee maamulkii ka talin jiray magaalada ee Cabdi Iley lasoo afjaray.

Jigjiga oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu horreeya marka ay timaado ku tumashada xuquuqul Insaanka ayaa noqotay mid ka mida kuwa ka faa’ideystay hoggaanka is bedelay ee Itoobiya iyo imaatinka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed.

Cabdi Iley oo ahaa shaqsigii mas’uulka ka ahaa ddaqankii waxashnimada ahaa ee ka mid noqday nolol maalmeedka shacabka Jigjiga iyo dhammaan gobolada Soomaali Galbeed ayaa ugu dambeyn xabsi galay oo uu ilaa iyo hadda liinta ku cabbaa.

Yeelkeede, saameyntii dulmilow Iley, kuma koobneyd Soomaali Galbeed balse waxa ay soo gaadhay gobollada Jumhuuridda Soomaaliya sida kuwa Waqooyi oo uu dad ku laalay, qaar ku xidhay halka gobolada dhexe ay sidoo kale dulmaneyaal u noqdeen xukunkii tacaddiga badnaa ee Iley.

Waxaa dulmiga u adeegsan jiray ciidamada Liyu Police oo uu ku gumaaday boqolaal kun oo Soomaali ah meel walba oo ay degan tahay.

Hase ahaatee, haddii Jigjiga maanta ka nabad qabto dhibaatadii ay Iley iyo Liyu Police ku hayyeen, Kismaayo ayey ku harsan tahay mushaakilaadka raadkii Iley iyo ciidamadiisa waxuushta ah.

Ciidamada Kismaayo ku sugan ee u qoran Axmed Madoobe, waaa kuwo naqshadooda laga soo koobiyey Liyu Poilice-ka Soomaali Galbeed.

Hab dhaqankooda iyo sida ay ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu dameeyeen xubnaha beesha Cawlyahan ee Ogaadeen, waa mid aan ka qarsooneyn dadka ku dhaqan Kismaayo.

Qofka aan Kismaayo joogin ee looga sheekeeyo in ciidamada tacadiga ka geysta magaaladaas in ay yihiin Liyu Police ama kuwo shabaha waxa ay moodi karaan in HAYB/ISKU QABIIL ahaan loogu anaanayo arintaas maadama Liyu Police ay ahaayeen Ogaadeen sooc ah iyo hoggaamiyehoodii hadda xiran iyo Axmed Madoobe balse sawirada hoose ayaa xaqiiqada ku taabsiin doona.

Liyu Police waxa ay caan ku yihiin in qoorta la surto macawiis ama cimaamada! Hadda fiiri sawirada laga soo qaaday ciimadii dhawaan xasuuqa Kismaayo ka geystay iyo qaabka ay u labisan yihiin!

Kaliya ma ahan in sawiradan iyo hab labiska ay ciidamada Kismaayo ee Axmed Madoobe ka dhigayaan Liyu Police, balse waxa ugu darran ee sidaas ka dhigaya ayaa ah dhaqankooda iyo dhibaatada ay ku hayaan dhammaan dadka kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe.

Haddii ay Jigjiga xorowday, dhabtii Kismaayo ayaa maanta u baahan xornimo.

W/Q: Mahad Cabdullaahi Diini
Nairobi, Kenya

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid