Sheekh Shaakir oo DF la saftay, soona dhoweeyey baaqii FARMAAJO (Aqri)

Cadaado (Caasimada Online) – Iyadoo uu wali khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan.

Sheekh Shaakir oo soo saaray qoraal ku aadan khilaafka labada dhinac ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha uu mar labaad fidiyay madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).

Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in gogoshaasi ay tahay mid lagu doonayo in lagu daweeyo khilaafyada jira sidaa aawgeedna uusan garankarin sabab uu kaga hor imaado.

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay midoobaan, islamarkaana muujiyan tanaasul, iyada oo la xusuusanayo weerarkii Soomaalida badan ay ku dhimatay ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.