Cawad oo kashifay inta bil ee mushahar la’aan yihiin shaqaalaha DF qaarkood

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda federaalka Somalia Axmed Ciise Cawad ayaa shaaca ka qaaday inay jiraan shaqaale ka tirsan dowlada oo aan qaadan wax mushaar ah.

Wasiir Cawad, ayaa sheegay in shaqaalaha aan qaadan mushaarka ay kamid yihiin kuwa ka howlgala safaaradaha Somalia ay ku leedahay caalamka qaarkood.

Waxa uu Wasiir Cawad tilmaamay in mudada ay ogyihiin ilaa iyo hadda ay tahay 9 Bil oo mushaar la’aan ah, taasina ay tahay caqabad heysata dowlada aawgeed.

Sababta aysan shaqaalahaasi 9 Bil u qaadan Mushaarka ayuu sheegay inay tahay in wasaaraddiisa ay ku yartahay qoondada miisaaniyada la siiyay taasna ay keentay in mushaar la’aan ay ku dhacdo shaqaalaha ka shaqeeya safaardaha qaar.

Isagoo sii wata haddalkiisa ayuu Wasiir Cawad intaa ku daray in dhibaatooyinka haysta shaqaalaha safaardaha ay la qabaan shaqaalaha kale ee ka shaqeeya wasaaradda arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya.

“Wax waliba waanu la socnaa balse waxaanu dooneynaa in la muujiyo dulqaad iyo howlkarnimo sida ay hadda wax yihiin waa laga baxaya anaguna dadaal ayaan muujineynaa”

Sidoo kale, Golaha Wasiirada ayaa shalay ansixiyey miisaaniyad sanadeedka  2019-ka taaso 23% ka badan miisaniyadda sanadka sii dhamanaya ee 2018-ka.

Dhinaca kale, hadalka wasiirka arimaha dibadda ayaa waxa uu kusoo adayaa xili Madaxda dowladda ay inta badan sheegaan in shaqaalaha kala duwan ee dowladda la siiyay mushaaroodkooda, waxaana dhibta ugu badan ee mushaar la’aanta ka cawda shaqaalaha Hay’adda NISA iyo Militeriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com