Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan ballaaran oo lagu taageerayay Musharaxa Madaxweynaha maamulka Gobolada dhexe Danjire C/raxmaan Diinaari, ayaa maanta lagu qabtay Magaalada Muqdisho.
Shirka waxaa ka soo goob joog ahaa Odayaasha dhaqanka, Siyaasiyiin, iyo waxgaradka Beelaha Mareexaan, Dir,(Sure), Waceysle iyo Murusade kuwaasoo madasha ka caddeeyay inay si buuxda u taageersan yihiin musharaxnimada Danjire C/raxmaan Diinaari ee maamulka gobollada dhexe.
Afarta beelood waxaa ay maanta soo saareenn bayaan ka kooban 6 qodob, beelahaan waxay ku baaqeen in ka hor doorashada Madaxweynaha Maamulka Gobolada dhexe in loo baahan yahay shirweyne dib u heshiisiin oo loo qabto beelaha wada dega gobolada Galgaduud iyo Mudug si loo turxaan bixiyo dhibaatooyinkii laga dhaxlay colaadihii beelaha hore u dhexmaray.
Afartaan beelood ee kala ah Mareexaan, Murusade, Dir(Sure) iyo Waceysle waxay dhexdooda iska doorteen gudi ka shaqeeya sidii loo joojin lahaa Colaadaha.
Hadaba Bayaanka afarta beelood isla soo saareen ayaa sidan u qornaa:-