Wasaarada gaashandhigga DF oo war lagu farxo sheegtay (28,000 askari oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Generaal Maxamed Sheikh Xasan Xaamud oo ah sii haayaha Wasiirka Wasaarada Gaashaandiga DF Somalia oo la hadlaayay Idaacada VOA-da laanteeda Afka Soomaaliga, ayaa sheegay in bisha Janaayo ee soo socota magaalada Muqdisho ee Caasimada dalka lagu qaban doono shirweyne Qaran oo looga hadlayo sidii lagu hormarin lahaa ciidamada Qaranka Somalia.

Maxamed Sheikh waxa uu sheegay in shirkaasi oo ah mid mudo dheer laga shaqeynaayay qabsoomidiisa ay ka soo qeyb gali doonaan dhamaan maamul goboleedyada dalka si loola socdo tirada iyo tayada ciidamada ka howlgala maamul goboleedyada ka dhisan dalka Somalia.

Waxa uu sheegay Wasiirka in shirkaani uu noqon doono kii ugu horeeyay oo khuseeya Ciidamada Xooga Dalka islamarkaana lagu qarameyn doono.

Sidoo kale, Generaal Maxamed Sheikh Xasan Xaamud waxa uu tilmaamay in Shirkaasi lagu qarameyn doono dhamaan ciidamada Soomaaliya,islamarkaana dib u habeyn loogu sameynayo howlgelintooda, sida uu hadalka u dhigay
Wuxuu xusay in ujeedada shirweynaha loo qabanaayo ay tahay, sidii loo qaramayn lahaa Ciidanka Somaliyeed, ee dalka ka hawlgala maadama DF Somalia aysan heyn tiro koob sax ah.

Dhanka kale, General Xaamuud, ayaa carabka ku adkeeyay in sanadka 2015-ka ay u taalo hawl culus, isla-markaana ay doonayaan in la helo ugu yaraan labaatan iyo sideed kun (28,000) oo askari, oo dhammaan dalka ka hawlgeli kara.

Halkan ka dhageyso wasiirka

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com