Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya kadib markii cod gacan taag ah loo qaaday Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke.
Dhamaan xildhibaanadii kulanka ka qeyb galay oo gaaraya 218 xildhibaan ayaa codka kalsoonida siiyay Cumar C/rashiid Cali.
Kulanka waxaa hadal ka jeediyay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka dalbaday xildhibaanada baarlamaanka inay codka kalsoonida ay siiyaan Ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka si loosoo dhiso xukuumad cusub.
Cumar C/rashiid, oo ka hor hadlay xildhibaanada baarlamaanka ayaa balanqaaday inuu soo dhisayo xukuumad tayo wanaagsan oo wax badan ka qabata marxalada haatan uu dalka ku sugan yahay.
Wuxuu mahad celin u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee maanta codka kalsoonida siiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali.
Markii codka kalsoonida la siiyay ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka ayaa lagu dhaariyay xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.
Waxaa laga sugayaa ra’iisul wasaaraha cusub ee dalka inuu soo magacaabo golaha wasiirada cusub ee xukuumada Soomaaliya.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com