26.7 C
Mogadishu
Tuesday, July 8, 2025

JAWAARI oo dardaaran iyo hambalyo u kala diray Xasan iyo CCC Sharma’arke

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo uu goor dhow Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Ra’isul wasaaraha cusub ee dalka ay gaaren Xarunta BF Somalia ayaa waxaa R/W CCC Sharmaarke dardaaran Khaas ah u jeediyay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Jawaari oo kulanka xaadir ku ah ayaa waxa uu R/W CCC Sharmaarke ugu baaqay inuu is dajiyo islamarkaana ay u rajeynayaan inuu aqbalaad lagu farxo kala kulmo Xildhibaanada BF Somalia.

Jawaari oo la dardaarmayay R/W CCC Sharmaarke oo aan Muddo dheer hortagin Golaha shacabka Baarlamaanka ayaa u sheegay in Ra’isul wasaaraha looga baahan yahay inuu dardar galiyo Howlaha uu dalka uga baahan yahay, waa haddii ay Ansixiyaan Golaha BF.

Sidoo kale, Jawaari oo Khudbadii furitaanka halkaasi ka jeediyay ayaa waxa uu hadalkiisa kusoo qaatay arimaha ku aadan khilaafkii Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaare Cabdiweli, isaga oo sheegay in arimo badan laga soo gudbay.
Waxa uu u hambalyeeya Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaaraha magacaaban Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaana uu sheegay in shaqooyin badan la’iska sugaayo.

Jawaari ayaa sheegay in Cumar Cabdirashiid iyo Xildhibaanada uu isaga dhex bixi doono daqiiqadaha soo aadan, islamarkaana Laba mid ay dhici doonto, taasi oo kala ah in codka la siiyo ama uu waayo.

“Mudane Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban Hadii Codka Aad Hesho Shaqo Ayaa Kuu Taalla, Hadii Aadan Helin Codka Kalsoonida ah Allaa Madaxaaga Kuu Bixiyaye Hambalyo”

Waxa uu ugu dambeyn gudoomiye Jawaari uu ku dar daarmay in mar kale aanu imaan khilaaf, waliba dhanka fulinta ah, isaga oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ay sugayaan in shaqooyinka loo igmaday dowladda ay kasoo baxdo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News