4 ka mid ah musharaxiinta Galmudug oo kulan xasaasi ah ku leh Dhuusomareeb

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Afar Musharax oo kamid ah kuwa ugu saameynta badan tartanka Madaxweynaha Galmudug ayaa Caawa kulan xasaasi ah ku leh magaalada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud sida ay noo xaqijiiyeen ilo wareedyo muhiim ah.

Musharaxiintaan ayaa kala ah, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, C/llaahi Faarax Wehliye, Kamaal Guutaale iyo Cabdi Dheere, waxayna dhamoontood ka hadlayaan mudada 24-ka saac ah ee loo qabtay dhamaan Musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug.

Xubnahaan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay soo saaraan War-saxaafadeed wadajir ah oo ay ku cabirayaan sida ay u socoto doorashada Galmudug.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ay qaadici doonaan mudada lagu daray ee 24-ka saac ah iyo guud ahaan sida ay socoto shaqada guddiga doorashada Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dhamana shacabka Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada caalamka ee daneeya Arimaha Soomaaliya ayaa Isha ku haayo sida ay ku socoto doorashada Galmudug waxaana dhamaan dadkaas ay dhowrayaan nuuca doorasho ee ka dhici doonto Galmudug.