Taliyaha ciidanka dhulka oo gaaray Baardheere xilli ay xiisadi ka taagan tahay

Baardheere (Caasimada Online) – Iyadoo muddooyinkii dambey ay xiisad u dhaxeysa dowladda federaalka iyo maamulka Jubbaland ka taagneed gobolka Gedo ayaa waxaa galabta gaaray magaalada Baadheere wafdi ka socda dowladda dhexe, gaar ahaan saraakiil ka socota ciidanka xoogga dalka.

Wafdigaas waxaa hoggaaminayey Taliyaha ciidamada dhulka S/Guuto Cabdixamiid Maxamed Dirir, waxaana safarka ku wehliyey guddoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida, Xeer ilaaliyaha Maxkamadda CQS, Taliye ku xigeenka ciidanka dhulka, Taliyaha qeybta 43aad ee CXD iyo saraakiil kale oo ka tirsan militeriga Soomaaliya.

Saraakiishan ayaa garoonka diyaaradaha ee degmada Baardheere waxaa ku soo dhaweeyey Taliyaha guutada 10aad, qeybta 43aad ee CXD G/Sare Maxamed Cadow iyo cutubyo ka tirsan militeriga Soomaaliya ee ku sugan degmadaas.

Taliyaha ciidanka dhulka ee militeriga Soomaaliya Cabdixamiid Maxamed Dirir oo hadal kooban garoonka ka jeediyey waxa uu sheegay in ujeedka safarkooda Baardheere uu yahay u kuur-gelidda xaalada dhabta ah ee kajirta gobolka iyo kor meer ay ku sameyn doonaan ceryaha ciidamada xoogga ee gobolkaas.

Socdaalka saraakiishan ayaa ku soo aadaya iyadoo maalmihii u dambeeyey  ay dowladda federaalku ciidamo geysay magaalooyin ay ugu horeyso Luuq oo ka tirsan gobolka Gedo.

Loolanka ka taagan gobolka Gedo ee u dhaxeeya dowladda dhexe iyo Jubbaland ayaa salka ku haya hab maamulka degmooyinka gobolkaas, iyadoo ay jiraan guddoomiyaal ka kala amar qaata Jubbaland iyo dowladda federaalka oo ku loolamaya maamulidda degmooyin ay ugu horeyso Baardheere.