Dowladda Jabuuti oo war kasoo saartay xiisadda kala dhaxeysa Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) ―  Dowladda Jabuuti ayaa ka hadashay Markabkeedii siday xariga Internet ee  shalay celisay Somaliland, kaasi oo gebi ahaanba ay Xukuumada Biixi diiday in la mariyo badeeda, iyadoona sheegtay in maamulkooda wax ogolaansho ah la soo weydiisan.

Jabuuti ayaa si cad u sheegtay in xarigaasi loo waday magaalada Muqdisho, oo aan loo wadin Badda Berbera, balse uu sii dhex-marayey, isla markaana loo sii jiidayey dhanka Muqdisho.

Rudwaan Cabdilaahi, Wasiirka isgaadhsiinta ee Jabuuti ayaa sheegay in si khaldan loo fahmay arrinkaasi, isagoona xusay in Xarigaasi uu dhex-marayo badda Berbera, balse uusan si toos ah ugu dhaadhaceyn gudaha Somaliland.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in arrinkaasi ay xukuumada Biixi si kale u fahamtay, isla markaana ay ka wada-hadleen Wasiirka boosaha iyo isgaadhsiinta Somaliland.

Ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland ayaa shalay howl-galo ay sameeyeen kaga hortagay Markabkaasi oo ay sheegen in sifo sharci daro ah Xadhig ku marinayay Biyaha Somaliland, iyadoona loo sii jiidayo dhanka Soomaaliya.

Arrinka Markabkaasi siday xariga Internet-ka, ayaa xiisad cusub ka dhex abuuray Somaliland iyo Jabuuti, iyadoona dhowaan la filayo in magaalada Hargeysa uu soo gaadho Wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Jabuuti.