Muqdisho (Caasimadda Online) – Shirkadda Forbes ee laga leeyahay dalka Mareekanka loogana haray inay soo bandhigto dadka caanka ah daqliga sanad walbo usoo xaroodo ama lacagaha guud oo ay heestaan ayaa warbixin gaar ah Soomaaliya kasoo daabacday.
Soomaaliyaa waa dal siyaasada mudo dheer ku fashilnaa kuna yaalo Bariga Afrika sidoo kalena waa deegaan colaad halis ah ka jirto.
Laakiin dadka Soomaalida ah waa kuwa ugu horeeyaan ganacsiga iyo fikradaha ganacsiga lagu hormariyo ee qaarada Afrika ku nool.
Hadaba waxaan idiin heynaa 5-milyaneer oo aan la sheeg sheegin kuwaas oo aas aaseen sidoo kalena iska leh ganacsiyada Soomaaliya ugu waaweyn Soomaaliya sanad walbana daqli weyn soo galo.
5-taan Milyaneer inta badan magacyadooda dadka Afrikaanka ah aqoon uma lahan waxaana macquul ah in qaarkood aysanba maqlin, laakiin waa qasab inay bartaan hada kadib hantida ay heestaan awgeed.
Abdirashid Duale: waa madaxa ugu sareeyo shirkada Dahabshiil, waana shirkad caalami ah oo bangiyada iyo xawaaladaha ka shaqeyso xaruntoodana tahay Dubai.
Abdirashid Duale aabihiis ayaa 70-maadkii ganacsigaan bilaabay wuxuuna ganacsi badeecada qusaayo balse markii dambe xawaaladaha lacagaha ayuu ku daray ganacsigiisa wuxuuna adeegan u qabtay Soomaalada Diyaasbrada ah ee baadi goob ugu jireen eheladooda Soomaaliya ku sugan inay lacag u diraan.
Abdirashid Duale oo hada 40-jir ah isaga ayaa hada shirkada maamulo waxayna Dahabshiil hadda ka hawl gashaa 126-dal sidoo kalena 24,000 oo xarumood ayay leedahay waxaana u shaqeeyaan in ka badan 2000 oo qof.
Sanadii 2016 shirkadaan waxaa daqli ahan usoo galay $1-bilyan oo doolarka Mareekanka ah, sidoo kalena Dahabshiil Guruub bangiyada ganacsiga ayay maamulaan sidoo kalena 95% waxay leeyihiin saamiga shirkada isgaarsiinta Somtel.
Abdirashid Duale wuxuu hanta maguurto ah noocyadooda kala duwan ku leeyahay magaalooyinka London, Dubai iyo Hargeisa.
Abdirizak Ido: waa milyaneer dhinaca isgaarsiinta ku caan baxay wuxuuna leeyahay sidoo kalena uu maamulaa shirkada isgaarsiinta Nationlink Telecom waana mid ka mid ah shirkadaha ugu waa weyn dhanka isgaarsiinta ee Koonfurta Soomaaliya ka jiraan.
Inta badan Ido wuxuu joogaa Dubai wuxuuna shirkada Nationlink Telecom aas aasay sanadii 1997.
Shirkadiisa waxay bixisaa adeega taleefoonka noocyadiisa kala duwan, internet iyo adeega Mobile-ka satellite-ga guur guura waxaana adeegsadaan shirkadaan macaamiilna u ah inka badan 700,000 oo qof oo dalka ku nool.
Mohamed Abshir Abdi: ganacsigiisa wuxuu ku bulaalay dhanka beec mushtarka cunada badda, shirkadiisa Hafun Fishing Company waxaa la aas aasay sanadii 1992 waxayna ku lug leedahay keenista iyo qeybinta cunnada badda oo gasaceesan nooc kasto oo kaluunka ah ayaa ku jiro.
Shirkada Hafun Fishing Company sanadkii daqli ahaan waxaa soo galo in ka badan $10-milyan oo doolarka Mareekanka ah.
Ismail Ahmed: wuxuu leeyahay xawaalad dunida ka hawl gasho oo lagu magacabo WorldRemit kuna taalo London taasi oo qabato adeeg ah in lacagaha qoysaska ay u diri karaan dalal kale.
Sanadii 2015 shirkada WorldRemit waxay heshay $100-milyan ayadoo ka ku lug lahaatay ganacsi dhanka xawaaladaha caalamiga ah oo ay la wadaagtay shirkadaha Technology Crossover Ventures (TCV) iyo Accel Partners.
Amina Moghe Hersi: Waalidkeeda reer miyi ayay ahaayeen kuwaas oo kasoo guureen Soomaaliya soona dageen Bungama oo ku taalo galbeedka Kenya iyadana halkaas ayay ku dhalatay.
Markii ay soo bar baartay waxay la shaqeyn jirtay hooyadeed ganacsi kala duwan ayay kala shaqeyn jirtay laakiin markii dambe Uganda ayay dagtay waxayna bilaawday ka ganacsiga badeecadaha fud fud iyo shamiintada.
Halkaas ayay nasiib ganacsi ku yeelatay kadibna waxay ku yeelatay dhismayaal iyo hanta maguurto kala duwan.
Amina Moghe Hersi hada waa 64-jir waxayna leedahay dhismooyinka iyo hantida maguurtada ugu muhiimsan Uganda dhulalka ay leedahay waxaa ka mid ah dukaanka weyninka badan landmark Oasis Shopping mall ee ku yaalo Kampala iyo Hoteelka caanka ah Laburnam Courts.
Sidoo kale shirkadeeda sokorta soo saarto Atiak Sugar Factory waa mid daqli fara badan ay ka hesho hadana waxay Waqooyiga Uganka ka dhiseysaa warshad sokorta soo saarto oo la galinaayo $120-milyan oo doolarka Mareekanka ah dhismaheeda.
Warbixinta ay qortay Forbes halkaan hoose ayaad ka akhrisan kartaa iyadoo afka English-ka ku qoran
https://www.forbes.com/sites/mfonobongnsehe/2017/08/29/5-multi-millionaires-from-somalia-you-should-know/#6b5cff4f73a6