Daawo: Cosoble oo shaaciyay inuu yahay Hogaamiyaha saxda ah ee HirShabelle siina shaqeyn doono

By Asad Cabdullahi Mataan

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyihii hore ee maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa shaaca ka qaaday in boorsooyinkiisa uu ka rartay magaalada Jowhar.

Cosoble oo maanta gaaray magaalada Baledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa sheegay in wixii maanta ka danbeeya uu deegan ku noqon doono magaalada Beledweyne, isla markaana ay uga dhamaatay magaalada Jowhar.

Cosoble oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Beledweyne ayaa tilmaamay in uu ka soo guuray Jowhar, uuna ku shaqayn doono Baledweyne.

Waxa uu cadeeyay inuu yahay Madaxweynaha Saxda ah ee Maamulka Hirshabelle, wuxuuna Xusay inuu ku shaqeyn doono Magaalada Baledweyne.

Waxa uu Madaxda dowlada ku eedeeyay inay soo farageliyen Maamulka Hirshabelle, isla markaana ay ka shaqeeyen, sida aan sharciga ahayn ee xilka looga tuuray, sida uu yiri.

Cosoble, ayaa sheegay haddii ay ku shaqayn waayeen Magaalada Jowhar, inay ku shaqaynayan Magaalada Baledweyne, isla markaana ay sii wadi doonaan shaqada Hirshabelle.