Ganacsatada ku mideysan Rugta Ganacsiga oo kulan xasaasi ah ka yeeshay go’aankii wasiirka

Waxaa  Xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha ee Magaalada Muqdisho kulan balaaran isugu yimid Qaybaha kala duwan ee Ganacstada Soomaaliyeed waxaana Kulankaas looga hadlayey ama  si weyn loogu lafa gurey Wareegtadii Wasiirka Ganacsiga Dhawaan uu soo saarey oo ahayd in la kala direy Rugtii Ganacsatada Soomaaliyeed .

Kulanka oo waqti dheer qaatey ayaa waxaa ugu horeyn ka hadleyn Gudoomiye ku xigeenka Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Cabdiraxmaan Cabdulaahi Aadan  waxaana uu sheegey in in ay la yaab ku noqotey Wareegtadii ka soo Baxdey Wasiirka Ganacsiga  isagoo sheegey in Rugta Gananasiga ay ay tahay meelaha si Cadaalad ay Doorashadeeda u Dhacdo.

“Waxay ahayd in la tashi la sameyso Dhamaan ganacsatada Soomaaliyeed ee ku mideysan Rugta Ganacsiga si ay u ogaato Xaqiiqda Dhabta iyo qaabka ay ku shaqeyso Rugta Ganasiga iyo  Warshadaha” Sidaa waxaa yiri Gudoomiye ku xigeenka Rugta oo sheegey Madaxda ugu sareysa ay si deg deg ku soo dhex galaan arrintaan.

Xubnihii kale ee kulankaas ka hadley Waxaa ka mid ahaa Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Gaobolka Banaadir  Cali  Xuseen Ibraahim (Cali Kaba Qori) waxaana uu sheegey in aad uga Xumaadeen Wareegtadadaas ay soo saartey Wasiirka Ganacsiga  waxaa uu intaa sii raaciyey

“ Rugta Ganacsiga  waa Rug Madaxbanaan hase yeeshee Wasaarada Ganacsiga waxaa kala dhaxeeya Iskaashi iyo Wada shaqeyn sidaa Darteed  Wareegtadaas waxay tilmaameysaa qof aan la socn Xaalada  Dhabta ah ay ku shaqeyso Rugta Ganasiga  iyo Warshadaha waxaana ku celinayaa in ay Dowlada Madaxdeeda ayy  arrintaan soo farageliyaan”

Waxaa kaloo Shirkaas balaaran ka hadley Gudoomiyaha  Caymiska Spomaaliyeed Maaxamed Cabdi Maxamuud  Waxaana uu yiri “Waa sannadkii Ummada Soomaaliyeed la isku soo dhaweyn lahaa marka ma ahayn wax ummada Soomaaliiyeed sii kala Fogeynaya la soo saaro sidaa darteed waxaan ku talinayaa in wareegtadaas dib loogu laabto

Maxamed Axmed Rooble oo ah Gudoomiyaha  Dhoofka iyo soo dejinta  ee Rugta Ganasiga Soomaaliyeed  iyo Abshir Maxammed Culusow oo ah Gudoomiye ku xigeen Rugta ganasiga Gobolka Banaadir oo labadoodu kulankaas ka hadley ayaa yiri “ Rugta Ganasiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed ma aha Rug lagu maamulo Wareegto ee Waa Rug ay madaxdooda ku yimaadaan Doorasho marka wareegtadaas waxay la mid tahay mid ku dhaqan ah habka Hantiwadaama ama Shuuciyada.