5 xaqiiqo oo qarsooneyd oo ku saabsan weerarkii SYL

Muqdisho (Caasimada Online)  – Xog cusub ayaa laga helayaa qarixii weynaa ee lala beegsaday  Hotelka SYL oo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya.

Falkan ayaa ahaa mid hore looga warqabay oo la ogaa, lana baajin karay, laakiin ay dhacday arrimo mugdi badan ku jiro iyo tuhun ah in Booliska Gobolka Banaadir aanu dooneyn inuu ka hortago.

Waxaa soo shaac baxay shan xaqiiqo oo hoos ku qoran.

1 – Xog sax ah oo laga helay Qaraxa

2 – Far ku godan Booliska

3 – Dabley isku dayday inay weerar ku gasho Hotelka

4 – Dagaal dhex maray ilaalada hotelka iyo ciidamada dowlada

5 – Mas’iiliyad darro

Xog sax ah oo laga helay Qaraxa

Falka Qaraxa ayaa la xaqiijiyay in xog fiican laga heystay oo weliba la ogaa  maalmo ka hor im la diyaariyay Gaari weyn oo qarax ka buuxo. sidoo kale maamulka Hotelka ayaa ka war hayay arrintan ma ahayn mid qarsoodi ah.

Waxaa xitaa laga war hayay in gaariga uu ka imaan doono dhinaca sayidka, daqiiqado ka hor intii aanu qaraxa dhicin waxaa maamulka hotelka lagu wargeliyay gaariga UD-ga ah ee qaraxa geystay.

Far ku godan Booliska

Booliska Gobolka Banaadir iyo taliyihiisa ayaa lagu wargeliyay arrintan, laakiin halkii ay tallaabo dheeraad ah qaadi lahaayeen ayaa la sheegay inay beeniyeen xogta la helay oo ay ku doodeen inaysan waxba ka jirin wararka la faafinayo.

Maamulka Hotelka SYL ayaa wax gacan ah iyo feejignaan dheeri ah ka waayay Booliska Gobolka Banaadir, kadib markii taliyaha qeybta gobolka lagu qancin waayay halista ku soo fool ah oo NISA la wadaagtay hotelka.

Lama oga waxa keenay in taliska Booliska Gobolka Banaadir uu dhayalsado xogta ay bixisay NISA iyo codsiga maamulka Hotelka SYL, laakiin waxaa jira tuhunno badan oo saraakiisha Booliska ku godan

Dabley isku dayday inay weerar ku gasho Hotelka

Waxyaabaha aan saxaafadda ka war helin ee dhacay waxaa ka mida in laba nin oo dabley ah ay isku dayeen isla markii uu qaraxa weyni dhacay inay gudaha u galaan hotelka, iyadoo aan la ogeyn waxa ay ahaayeen iyo halka ay ka yimaadeen.

Mid ka mida dableyda ayaa ku dhaawacmay qaraxa oo gacanta uga go;day, halka dableydii kale ay toogteen ilaalada Hotelka oo maalintaas oo dhan heegan ku jiray, isla markaana si weyn isu diyaariyay.

Dagaal dhex maray ilaalada hotelka iyo ciidamada dowlada

Waxaa dhacday in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay isku dayeen inay galan hotelka, balse ay diideen ilaalada hotelka, taasoo keentay inay daqiiqado is rasaaseeyaan labada dhinac. Ciidamadan oo boolis ahaa waxaa gebi ahaan loo diiday inay galaan hotelka.

Ciidamo kale oo uu wato Taliyaha NISA Jeneral Gaafow ayaa markii dambe loo ogolaaday inay galaan Hotelka, arrintan oo soo shaac bixineysa xaaladda hay’adaha ammaanka dalka ku sugan yihiin.

Mas’uuliyad darro

Xilliga waxani oo dhan dhacayaan ee lagu fashilmayo in Gaari xamuul ah laga celiyo jidka madaxtooyada hor mara, waxaa hotelka la ogyahay in lasoo weerari doono ku sugan wasiiro ka badan 7 oo uu ka mid yahay wasiirkii Amniga, Warfaafinta, Dekadaha, Wasiiru dowleyaal, xildhibaano ka badan 20 iyo mas’uuliyiin kala duwan.

Waxaa hotelka joogay taliyeyaasha Booliska iyo Nabadsugidda iyo saraakiil darajo sare huwan oo laamaha Amniga ka mida, waxaase la yaab leh intaas oo dhan aanay keenin in taxadir dheeraad ah la galo si loo baajiyo ama loo yareeyo waxyeelada qaraxa.

Wasiirka Amniga C/risaaq Cumar Maxamed iyo taliyaha Booliska Gen. Maxamed Sheekh waxay hotelka ka baxeen daqiiqo yar ka hor qaraxa. Laakiin waxaa mas;uuliyad darro ah in wasiirka Amniga oo xogtan iyo in ka badan og uu maalin kadib qaraxa saxaafadda ka eedeeyo mas;uuliyiinta hoteelada oo dusha u saaro inay ammaanka iyaga sugtaan.

Marka la isku soo xooriyo xaqiiqada ku xeerneyd qarixii ugu danbeeyay ee Hotel SYL lagu qaaday waxaa kuu soo baxaya in hay;adaha ammaanka dowladda aanay u diyaarsaneyn inay ka hortagaan qaraxyada noocan oo kale ah, ayna jiraan saraakiil aan daacad ahayn oo u baahan in wax laga qabto.

Waxaa kaloo nasiib darro noqon doonta inaan waxba lagu qaadan khaladaadkii dhacay, sidii hore looga bartay hogaanka dalkana aan dib loogu noqon kuwii mas’uuliyadooda ka gaabiyay, waxna lagu qaadan wixii dhacay ee keenay in dad badan lagu waayo.

Isha goobjooge