Daawo Sawirro: Wadooyinka Dalka Gabon oo ay buux dhaafiyeen meydad iyo dhaawacyo

Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa saacadihii ugu danbeeyay xaalad adag laga dareemayaa dalka Gabon, kadib markii iska hor imaad uu halkaasi ku dhexmaray Ciidamada ammaanka iyo dadka shacabka ee kasoo horjeeda Madaxweynaha dalkaasi.

Iska hor imaadka ayaa dhacay kadib markii madaxweynaha xilka haya Cali Bongo lagu dhawaaqay inuu ku guulaystay doorashada in ka yar lix kun oo cod.

Dadkan, ayaa ka careysan natiijada doorashadii Sabtidii dalkaasi ka dhacday, oo guddiga doorashada ay shalay sheegeen in Madaxweyne Ali Bongo uu ku guuleystay.

Taageere-yaasha mucaaradka, ayaa waxay ku andacoonayaan in Madaxweyne Ali Bongo uu doorashada ku shubtay, sidaasi daraadeedna aan la aqbali karin in sifo aan sharci ahayn uu markale isugu cumaamado xilka.

Mucaaradka Jean Ping, ayaa sheegay in ugu yaraan laba qof dhinteen dhowr kalena ay ku dhaawacmeen markii ciidamada ammaanka ay galeen xarunta mucaaradka.

Afhayeenka dowladda ayaa sheegay in howlgalka loogu tala galay in lagu helo dadkii masuulka ka ahaa gubista baarlamaanka Arbacadii.
Gabon 1

Gabon 2

Gabon 3

Gabon 4

Gabon 5

Gabon 6

Gabon 7

Gabon 8

Gabon 9

Gabon 10

Gabon 11

Gabon 12

Gabon 13

Gabon 14

Gabon 15