Sacuudiga oo soo saaray amar diimeed saameyn reebi doona

Muqdisho (Caasimada Online) – War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaarada arrimaha diinta dowlada Sacuudiga ayaa waxaa lagu mamnuucay in dadka usoo cibaada doonanaaya ay mamnuuc ka tahay arrimaha la xiriira siyaasada iyo arrimaha madhabta diimaha qudbadooda, iyo inay xooga saaraan oo kaliya diinta.

Qoraalka Wasaarada waxaa lagu sheegay in sidoo kale mamnuuc ay tahay in makaroofanka looga faa’iideysto inkaarta wadamada aan looga dhaqmin diinta islaamka sida dalka Isra’iil iyo dhowr dal oo kale.

Wasaaradu waxa ay ka digtay in wakhtiga la gudanaayo waajibaadka diiniga ah gudaha masaajidka laga sameeyo is uruursi dadka kala heysta madaahibta aan suniga aheyn.

Go’aanka lagu mamnuucay habaarka dowladaha cadowga ku ah Islaamka ayaa imaaneysa iyadoo inta badan culimada salaada ka dujisa masaajida dalka Sacuudiga ay caadeystaan in ducooyinkooda ay ku habaaraan dowlado ay kamid tahay Israa’il iyo Mareykanka.

Wasaarada ayaa sidoo kale sheegtay in lacag aan laga aruurin karin masaajidka gudahiisa.

Amarkaani fulintiisa ayaa waxaa loo xil saaray ciidamo gaar ah oo ka hortaga waxyaabaha kala fogeyn kara dadka muslimka ah ee gudanaaya waajibaadkooda.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com