Sawirro: Saameynta gaadiidka xamuulka ee ay Puntland xanibtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa si rasmi ah u dhaqan galay go’aankii dhawaan kasoo baxay maamulka Puntland ee lagu mamnuucaayay gaadiidka raaxada iyo kuwa xamuulka ah ee u gudba misna ka imaada dhanka Koofurta dalka.

Go’aanka ayaa ahaa in gaadiidka ka gala dhanka Koofurta aysan u gudbi karin Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo.

Go’aankaani ayaa saameyn ba’an ku yeeshay gaadiidka ganacsiga ee labada dhan u kala goosha, waxaana la arkaayay gaadiid xamuul sida oo ku xaniban xadka kala qeybsha labada dhinac.

Gaadiidkaani uu saameynta ku yeeshay go’aanka Puntland, ayaa waxaa sidoo kale looga digay inay isticmaalaan waddooyin qarda jeex ah.

Maamulka ayaa ciidamo soo dhoobay Wadooyinka gala misna ka baxa deegaanada Buuhoodle ilaa Garacad, iyadoo ay ciidamadaasi ilaalinayaan gaadiidka isticmaali kara wadooyinka qarda jeexa ah.
Xamuul 1

Xamuul 2

Xamuul 3

Xamuul 4

Xamuul 5

Xamuul 6

Xamuul 7