Reer Hiiraan oo shuruud yaab leh ku xiray shirka iyo Jeesow oo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan Odayaasha Gobolka Hiiraan ay shaaciyeen in shirka Jowhar ay ku biiri doonaan haddii laba Gobol laga dhigo Gobolka Hiiraan ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow.

Xildhibaan Jeesow, ayaa sheegay in Gobolka Hiiraan uu labo Gobol noqonayo haddiiba ay caasimad noqoto magaalada Buulo Barte ee Gobolka Hiiraan.

Jeesow waxa uu sheegay in muhiim ay tahay in dib loogu laabto xaqiiqooyinka jira, waxa uuna sheegay in Caasimadnimada Buulo Barte ay ka dhigantahay guul ay gaareen Shacabka Hiiraan, waxa uuna tilmaamay in taasi ay noqoneyso riyo u rumowday shacabka Hiiraan, waa sidda uu hadalka u dhigay Xildhibaanka.

Xildhibaan Jeesow waxa uu sheegay in burburka dowladii Dhexe kadib aysan jirin dowlad kale oo daryeeshay Gobolka Hiiraan sidaa darteedna ay hadda fursad u tahay in la isku daro Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe, iyadoo Hiiraan la siinaayo xuquuqdeeda.

Xildhibaanka waxa uu sheegay in dowlada Somalia looga baahan yahay inay tixgalin gaar ah u sameyso Gobolka Hiiraan, taa oo uu sheegay in looga gudbikaro khilaaf Siyaasadeedka ka dhex aloolsan labada Gobol ee leysku dari doono.

Sidoo kale, Xildhibaanku waxa uu Odayaasha, Siyaasiyiinta, Dhallinyarada iyo Haweenka labada Gobol ugu baaqay in ay midoobaan kuna midoobaan Maamulka labada Gobol.

Dhinaca kale, Odayaasha Hiiraan ayuu kaga digay inay burbur u horseedaan shacabka Hiiraan waxa uuna ku taliyay inay qaatan wax waliba oo maslaxad u ah shacabka iyo dowladuba.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com