Xog: Kulan qarsoodi ah oo dhex maray Sheekh Shariif iyo R/W CC

Nairobi (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegaya in kulan qarsoodi ah uu dhex maray Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaliya iyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Axmed.

Kulanka oo ahaa mid aan la shaacin oo siyaasadeed ayaa xogta la helayo ay sheegaysaa inay ka wadahadleen xaaladda doorashada Soomaaliya ee 2016 oo labaduna ay musharax u yihiin xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Labada mas’uul oo hore Madaxweyne iyo Ra’iisal wasaare isu ahaa dowladii KMG ahayd ee Soomaaliya ayaa isku baheysanaya sidii ay doorashada soo socota uga adkaan lahaayeen madaxweyne Xasan Sheekh.

Hore waxaa Sheekh Shariif Axmed magaalada Kampala kula kulmay madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo siyaasad ahaan ay isku dhaceen Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa u muuqda nin cayaar siyaasadeed oo culus dheelaya, isaga oo dhisaya isbaheysi xooggan oo caqabad ku noqon kara in dib loo soo doorto Xasan Sheekh.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com