Ugaas Xasan oo diray Hanjabaad aan horay looga baran xili DFS ay..

Muqdisho (Caasimada Online)-Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble ayaa markii ugu horeysay Beesha Caalamka kaga digay inay garab istaagto awooda ay DFS ku dooneyso inay ku dhisto maamulka cusub ee mideyn doona Gobollada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble, ayaa sheegay in teegeero loo fidiyaa Shirka Jowhar ay uga dhigan tahay dagaal Sokeeye oo laga dhex abuuro dadka ku nool magaalooyinka Hiiraan iyo Jowhar.

Ugaas Xasan Ugaas Khaliif, waxa uu sheegay in muhiimada koowad uu u arko in laga shaqeeyo nabada iyo midnimada labada Gobol balse uusan xal u arag in la cadaadiyo dadka ku dhaqan Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in cadaadin lagu sameeyaa Odayaasha iyo Shacabka Hiiraan ay sabab u noqon karto dagaal sokeeye oo ka dhex curta labada Gobol.

Beesha Caalamka ayuu sheegay in looga baahan yahay inay banaanka ka istaagto arrimaha la xiriira dhismaha maamulka Cusub ee mideyn doona labada Gobol.

Waxa uu sheegay inay talaabo qaadi doonaan haddii ay dhacdo in faragalin lagu soo sameeyo arrimaha Hiiraan, iyadoo aan la fulin shuruudihii ay la imaadeen reer Hiiraan.

Haddalka Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa daba socda hadal dhawaan uu jeediyay Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka iyo Wakiilka IGAD ee Somalia.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com