$500 oo Milyan waa lagu waayay UCL (Man City oo guriga loo diray)

Xittaa haddii ay qarash gareeyeen in ka badan 500 oo Milyan oo dollar, tan iyo markii tujaarta carbeed ay iibsadeen, Manchester City waa ay soo dhaafi la’dahay wejiga koowaad ee koobka Horyaalada Yurub.

City ayaa sanadkii labaad oo xiriir ah waxaa lagu soo reebay wareega group-yada, kadib markii ay bar bar dhac la dhaafi weyday Real Madrid, cayaar ka dhacday garoonka Etihad ee magaalada Manchester.

Kooxda tababare Mancini ayaa u baahneyd guul, si ay rajadeeda usoo bixid ee wareega 16-ka biyo dhuunta ugu qabato, hase yeeshee gool uu aroor hore saxiixay Karim Benzema ayaa gadaal mariyay.

Real ayaa halis gelisay City, ayada oo xiddigii hore ee Manchester United Cristiano Ronaldo oo colaad lagu soo dhoweeyay uu fursad wanaagsan lumiyay. Sidoo kale Sami Khadira ayaa 3 fursad khasiray.

Xeeladda tabbare Mancini uu ku cayaaray saddex daafac, ayaa waxaa war ka keenay weerarka Real, hase yeeshee markii dambe City ayaa saldhigatay oo cayaarta maamulkeeda la wareegtay.

Daqiiqadii 73-aad ayaa gool ku laad waxaa u saxiixay Sergio Aguero, kadib markii Alvaro Arbeloa calaamad guduudan lagu saaray.

Taa beddelkeedana, si xeeladeysan u adeegatooy iyo lacag badan ma bixisooy Arsenal ayaa u gudbtay wareega 16, kadib markii ay garaacday Montpelier, islamarkaana ay caawimaad ka heshay Schalke oo tuntay Olympiakos.

Natiijooyinkii kalena waxa ay ahaayeen sidan;-

Champions League – Group ANovember 21

FT

DynamoKiev

0 – 2

ParisSaint Germain

FT

FC Porto

3 – 0

Dinamo Zagreb

Champions League – Group BNovember 21

FT

Arsenal

2 – 0

Montpellier

FT

Schalke 04

1 – 0

Olympiakos

Champions League – Group CNovember 21

FT

Zenit Petersburg

2 – 2

Malaga

FT

Anderlecht

1 – 3

AC Milan

Champions League – Group DNovember 21

FT

Ajax

1 – 4

Borussia Dortmund

FT

ManchesterCity

1 – 1

RealMadrid

W/D: Axmed Cali Sheikh
Tifaftiraha Caasimada Online
www.facebook.com/alxmed