L’Express:- Mareykanka oo afduubay Computer-ada Madaxtooyada France.

Wargeys kasoo baxa France ayaa ku eedeeyay Dowladda Mareykanka inay afduubatay (Hack) Computer-da xafiiska madaxweynihii hore ee dalkaas Nicolas Sarkozy, toddobaadydii ugu dambeeyay madaxtinimadiisa.

L’Express ayaa sheegay in hay’ad qaabilsan dagaalka internet-ka oo shaqadeedu ay tahay inay ka hor tagto afduubka Computer-ada ay heshay virus lagu shubay computer-ada xarunta madaxtooyada Elysee Palace.

Madaxtooyada ayaa markaa kadib xaqiijisay in weerar lagu soo qaaday computer-ada.

Safaaradda Mareykanka ee magaalada Paris ayaa si xoogan u beenisay in Dowladda Mareykanka ay ku lug lahayd weerar dhinaca Internet-ka ah oo lagu qaaday Dowladda Faransiiska.

Xoghayaha Ammaanka gudaha Mareykanka Janet Napolitano ayaan xaqiijin weerarka ama beenin, waxaana ay u sheegtay wargeyska L’Express kaliya in Mareykanka uusan lahayn saaxiib ka weyn kana muhiimsan France.

Virus-ka ay ka hor tageen mas’uuliyiinta France ayaa lagu magacaabaa Flame.