Benitez oo loo magacaabay Tababaraha Chelsea.

Rafael Benitez ayaa la xaqiijiyey inuu noqonaayo tababaraha cusub ee kooxda Chelsea, ka dib markii ay kooxdu iska ceyrisay tababareheedii Roberto Di Matteo markii ay guul darro 3-0 ah kasoo gaartay kooxda Juventus ciyaar ka tirsan Champions League.

52 jirkaan ayaa si ku meel gaar ahaan ah inta xilli ciyaareedkaan ka dhiman u qabanaaya kooxda difaacaneysa koobka kooxaha Yurub ka dib markii uu ku dhowaad laba sano shaqada tababarenimo ka maqnaa markii laga raacdeeyey Inter Milan.

Warbixin lagu qoray Website-ka ramiga ah ee Chelsea ayaa oraneysa: “Milkiilaha iyo gudiga kooxdu waxay aaminsan yihiin in Benitez uu noo noqonaayo macalin qibrad leh tan ugu sareysa kubada cagta, kaasoo naga caaqin kara ujeedkeena.

“52 jirkaan reer Spain ayaa la kulmay Gudiga iyo Milkiilha ciyaartoydana wuxuu ugu tegay xerada tababarka Cobham galabnimadii Khamiista.”

Benitez ayaa markiisii labaad kusoo laaban doona koox Horyaalka Premier Leaguea ah ka dib markii uu lix sano guulo ku hugaamiyey Liverpool intii u dhexeysay 2004 ilaa 2010kii.

Macalinka reer Spain Benitez ayaa noqonaaya macalinkii sagaalaad ee Blues qabta inta uu hugaamiyo Roman Abramovich.

Hadaba Su’aashu waxay tahay sideed tababare ka dib yaa noqon doona tababaraha ay ceshato Chelsea.?

W/Q: Ahmed Jaangoan

E-mail: jangoan@hotmail.com

Caasimada – Mogadishu.