55 Soomaali ah oo ay ku jiraan kuwa ka shaqeeya safaarada Soomaalida oo lagu xiray Roma + Sababta

Roma (Caasimada Online) Booliiska ayaa sheegay inay magaalada Roma ee caasimada Italy ay ku xireen 55 qof oo lagu tuhmayo inay dadka Soomaalida ah ee ka imanaya waqooyiga Africa si sharci darro ah ugu gudbinayeen waqooyiga Yurub, ayaga oo sii marinaya Talyaaniga.

Tuhmanayaasha ayaa dhammaantood ah Soomaali, waxaana ku jira qof ka shaqeeya safaaradda Soomaalida ee Roma oo qabilsan dhinaca isku xirka dhaqanka iyo qof u shaqeeya barnaamijka cunnada adduunka ee WFP.

Booliiska ayaa sheegaya in dadkaasi ay wajahayaan eedeymo ah inay kaalmeynayeen muhaajirnimo sharci darro ah, been abuur documents, dhaq dhaqaaqyo maaliyadeed oo sharci darro ah iyo lacag si sharci darro ah la isugu gudbinayay.

Waxaa sidoo kale jira 23 qof oo kale oo iyana lala xiriirinayo howl galka, balse aan la qaban.

Kooxda ku shaqeysta barnaamijkan ayaa la sheegay inay ka howl galaan meelo ay ka mid yihiin dalalka Kenya, Libya iyo Italy, ayna xarrun weyn ku lee yihiin magaalada Roma.

Howl galka sida sharci darrada ah Soomaalida looga kaxeeyo Italy looguna gudbiyo dalalka waqooyi ee Yurub, ayaa lagu warramay in sanaddii uu ku kaco 33 milyan oo dollar.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Roma