Shirkii beelaha Hawiye ee Muqdisho oo toddoba (7) qodob laga soo saaray

Beelaha Hawiye waxay soo saareen bayaan ka kooban todobo qodob oo looga soo horjeedo heshiiskii bishan 23-keedii lagu gaaray magaalada Muqdisho kaasoo la sheegay in lagu dhameeyay khilaafaadkii ka dhex taagnaa dhinacyadii dhawaan Baydhabo uga dhawaaqay maamullada lixda gobol iyo saddexda.

Bayaanka ayaa lagu sheegay beeshu inaysan marnaba aqbali doonin gobolka Shabellaha Hoose in lagu daro gobollada Bay iyo Bakool.

Shir ay ay yeesheen Xildhibaannda, Siyaasiyiinta, Oday Dhaqameedyada, Culumaa uddiinka, Haweenka iyo Ururrada Bulshada ee Beelaha Hawiye muddaddii u dhaxeysay 23– 26 June 2014, ayna kaga doodeen arrimaha siyaasadda dalka waxayna soo saareen baaqa hoos ku qoran:

Beeshani ma aqoonsana heshiis ku sheeggii lagu saxiixay Madaxtooyada J F S 23kii June 2014, laguna aqoonsaday Dhismaha Maamul KMG ah oo ay yeeshaan 3da Gobol ee kala ah (Bay,Bakool iyo Shabeellada Hoose), kaasoo ka hor imaanaya Dastuurka KMG iyo Shuruucda dalka u degsan. Waxay si ula kac ah Madaxdii Qaranku u jebiyeen Qod.49aad (faq.1-6), Qod. 4aad, Qod.97aad, Qod.104aad iyo Sharciga, lam.6 (faq.1-11) ee maamul u sameynta iyo federaaleynta dalka oo uu saxiixay Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud. Shuruucdaas oo tilmaamaya in habka Federaaleynta dalku ku imaanayo rabitaanka shacabka ee uusan ku imaanayn in dadka kor looga keeno maamul ayan iyagu ku heshiin

Waxaa lagu xadgudbay xuquuqda iyo rabitaanka beelaha dega Gobolladaas oo ay Beesha Hawiye ka mid tahay,iyadoo aan haba yaraatee lagala tashan maamulka halkaas lagu aqoonsaday,taasoo micneheedu yahay in masuuliyiintii ugu sarreysay dawladda ay hurinayaa colaad beeleedyo hor leh,oo u keeni doonta Somalia xasillooni darro iyo dibu-dhac siyaasadeed.

Waxaa heshiis ku sheeggii 23kii Juun 2014 lagu xalaaleynayey Heshiiskii sharci darrada ahaa ee Addis-Abeba lagu saxiixay Saannadkiin 2013kii, laguna soo dhisay Maamulka KMG ah ee Jubbooyinka,kaasoo ay weli taagan tahay dhibaatooyinkii ka dhashay

Beeshani waxay ka xuntahay hadalkii deel-qaafka ahaa ee uu goobtaas kaga hadlay Wakiilka IGAD Maxamed Abdi-Afey oo uu ugu hanjabay cid kasta oo dhaliisha Heshiis ku sheeggaas sharci darrada ah,isagoo meel uga dhacay maamuuskii dibloomaasiyadda, kuna xad gudbay madaxbannaanidii iyo qarannimadii Somalia,waxaanna u aqoonsanay in yahay qof-soo-dhoweyn aan mudnayn (Persona Non Grata)

Beesha Hawiye waxay nabad iyo wada noolaasho ugu baaqaysaa Beelaha kale ee Soomaaliyeed ee ay wada degaan,iyadoo ugu baaqeysa in colaadda Shabeellaha Hoose lagu dhammeeyo wada xaajood iyo isafgarad gogol nabadeedna la isugu keeno bulshada walaalaha.

Beeshu waxay uga baaqeysaa urur goboleydyada iyo beesha caalamka in joojiyaan faragelinta iyo ku xadgudubka shuruucda iyo siyaadada dalka iyo iska horkeenista iyo curinta colaadaha sokeeye.Waxaan beesha Caalamka ugu baaqeyna in ay nagu taageeraan dib u dhiska dowladnimo, dib u heshiisiinta ummaada Soomaaliyeed iyo dhowrista sharciyada dalka.

ARRIMAHA FEDERAALEYNTA DALKA

Beeshani waxay aaminsan tahay in lagu dhaqmo Dastuurka iyo Shuruucda dalka u degsan, iyo maamul samaynta iyo federaalaynta dalkana in loo maro qaab sharciga waafaqsan.Waxay Beeshani aamminsan tahay in Federaaleynta ku  dhisan habka qabiilka (Clan Federalism) ay dalka u horseedi doonto xasillooni darro iyo colaado qabiil oo soo cusboonaada,sida haddaba muuqata waxayna usoo jeedinayaan Beelaha kale ee Soomaaliyeed in arrinkaas aragti mideysan laga yeesho,Dasuurkana wax laga bedddelo si loo ilaaliyo wadajirka ummadda iyo midnimada qaranka.

Halkan ka arag bayaanka beelaha Hawiye

Hawiye 1

Hawiye 2

hawiye 1hawiye 2

Caasimada Online

Xafiika Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com