Shabellaha Hoose oo laga dibad-baxay

Carbiska (Caasimada Online) – Boqolaal qof oo u badan dumar iyo carruur ayaa maanta oo Jimco ah waxay dibadbax ay uga soo horjeedaan ciidamada AMISOM ay ka dhigeen deeganka Carbiska ee gobalka Shabeellaha Hoose.

Dadkan ayaa ka dibad baxayay Kaddib markii ciidamada AMISOM ay daggeen ceel ay biyo ka cabayeen oo dadka ku dhaqan deeganka ay deggan yihiin.

Dadkan ayaa ku dhawaaqayay hadallo ay ka mid yihiin “AMISOM dooni meyno, waxay naga heestaan ceelkii biyaha aan ka cabeenay” sidaas waxaa tiri hooyo ka mid ah hooyooyinka dibadbaxayay.

Mid kamid ah ragga ka qeybgalay dibadbaxa ayaa sheegay in muddo lix bil aan helin wax biyo oo biyihii laga jaray sidda uu yiri.

“Dadkan halkan jooga qaar ka mid ah waxaa ku jirra dad ka soo barakacay Qoryooleey iyo Marka oo dagaallo ay ka dhaceen waana culeys nagu soo kordhay oo waxaana nagu soo fooleh bisha Ramadaan” ayuu yiri oday dadka deeganka ah.

Mar la weydiiyay in ay cabashadooda ay ugud biyeen maamulka ka dhisan deegankaas ayuu sheegay maamulka xitaa in ay wax ka qaban waayeen.

Waa markii ugu horreysay oo dibad bax ka dhan ah ciidamada AMISOM ee howlaha nabadda u jooga uu ka dhaco Soomaaliya tan iyo sannadkii 2007-dii xilligaas oo ay dalka yimaadeen.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

Caasimada@live.com