Video: Sheekh Umal oo sheegay xilliga ay soomayaan + War kasoo baxay DF

Nairobi (Caasimada Online) – Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed, ayaa shaaca ka qaaday in bisha barakeysan ee Ramadaan laga arkay qeybo ka mid ah dalka Kenya, sidaa darteedna berri oo sabti ah ay ramadaan u tahay muslimiinta Kenya.

Sheekha ayaa sheegay in saddex qof oo laba isku meel ay joogaan ay bisha arkeen, islamarkaana la dhaariyey, sidaa darteedna ay ku soomayaan berri inssha allah.

Waxaa xusid mudan in Sacuudiga aysan beri soomeyn, islamarkaana bisha aan laga soo sheegin Soomaaliiya, waxaana wasaaradda diinta ee dowladda federaalka ay ku dhowaaqday in soonku yahay axadda.

Ku simaha Ra’isul Wasaaraha dalka ahna wasiirka wasaaradda Diinta Iyo Owqaafta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Ridwaan Xirsi Maxamed Oo Warbaahinta Qaranka Kala hadlay Umadda Soomaaliyeed ayaa sheegay barito in aysan eheyn soon islamarkaana ay tahay maalinta ugu dambeysay bisha Shacbaan.

ku siamaha Ra’isul wasaaraha dalka oo ay wehlinayeen mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda diinta iyo Owqaafta ayaa ku dhawaaqay in barito aysan eheyn Soon kaddib markii kulan dheer ay ka galeen arrinkaan islamarkaana ay u cadaatay in barito aysan ramadaan eheyn, iyadoo mas’uuliyiintaasi ay ka mid yihiin Agaasimaha waaxda Diinta iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka ee wasaaradda diinta iyo Owqaafta  Sheekh Cali Sheekh  Maxamuud , Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi Maxamed Kheyrow Aadan, iyo Guddoomiyaha hey’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Halkan ka daawo Sheekh Umal

Caasimada Online
Xafiiska Nairobi
Caasimada@live.com