Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha dowlada Soomaaliya ee gobolka SHabeelaha Hoose Cqaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa markii ugu horeysay sheegay inaan lagu soo wargelin halka Sh/hoose uu ka tirsan yahay.
Gudoomiye Sidii oo la hadlay warbahinta ayaa sheegay inuusan wax buuran kala socon aqoonsiga dowlada Soomaaliya ee maamulka seddexda gobol, isagoo sheegay in uu ku mashquulsanaa xalinta dagaalkii ka dhacay degmada Marko.
Gudoomiye C/qaadir Sidii ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya loo baahan yahay inay cadeyso mowqifkeeda Shabeelaha Hoose halka uu si rasmi ahaan kaga mid yahay.
“Aniga arimahaasi [aqoonsiga], waxba kalama socdi maxaa yeelay aniga waxaan ku mashquulsanaa hishiisiinta beelihii dagaalay, dowladana iguma soo wargelin maadaama aan wakiil uga ahay waxaa loo baahan yahay inay igu soo wargelisaa”sidaasi ayuu yiri Mr Sidii.
“Aniga idaacadaha ayaan ka maqlay oo xitaa si aad ah uma dhageysan jirin maxaa yeelay waan mashquulsanaa, waxaa loo baahan inay ii sheegto halka aan ku xisaabinayo SHabeelaha Hoose”ayuu hadalkiisa kusii daray.
Dhanka kale gudoomiyaha Shabeelaha Hoose C/qaadir Maxamed Nuur Sidii ayaa sheegay inuu ugu baaqayo shacabka Sh/Hoose inay aayahooda ka tashadaan oo ay ka fikiraan halka ay raacayaan.
“Shacabka Shabeelaha Hoose waxaa loo baahan yahay inay aayahooda ka tashadaan oo ay ka fakaraan halka ay raacayaan maamulada la wad wado, dadka fidnada Xamar kasoo abuurayana waxaan leeyahay yaan wax lasii hurin”sidaasi ayuu yiri Mr Sidii.
Hadalkiisa ayaa kusoo aadaya iyadoo dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka 3-da Gobol ee Sh.Hoose, waxayna muujineysa inay iska warheynin madaxda dalka iyo wakiiladooda.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho