Dhageyso: 7 jir wadnaha ka xanuunsan oo caawimaad ka helay guddoomiye Thaabit

Muqdisho (Caasimadda Online) – Gudoomiyaha gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa maanta Guddoonsiiyay Visa Caafimaad Waalidka dhalay Wiil 7-Sano jir ah oo waddanaha ka xanuunsan.

Maxamed Cumar Maxamed ayaa ku dhashay Xanuunka dhanka Wadnaha ka haya, waxaana waalidiinta dhalay oo danyar ah ay Awoodiwaayeen in ay adeeg Caafimaad ay dibadda ugu qaadaan, Maadaama aan dalka wax looga qabankarin.

Wiilkaan yar oo kunool degmada Boondheere ayaa dadka degmadaasi oo kaashanaya maamulka degmada , waxa ay xaaladiisa Caafimaad kusoo wargeliyeen Gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxaana Gudoomiyaha ugu dambeyntii Maanta uu siiyay Viso Caafimaad oo ah dalka Turkiga.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Bulshadda Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay isku gurmaddaan.

Waxaa uu u mahadceliyay dadka kunool degmada Boondheere, sidda ay ugu soo wargeliyeen maamulka gobolka Banaadir dhibka heysta wiilkaasi yar.

Aabaha dhalay Wiilkaasi ayaa u mahadceliyay maamulka gobolka Banaadir, waxaana uu sheegay in dhawaan ay aadi doonaan dalka Turkiga maamulka gobolka Banaadirna ay arintaasi ka caawiyeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com