Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka “Muuse waa nin xog ogaal u ah jamhuuriyadda Soomaaliya”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Mahdi Maxamed Guuleed Khadar Ra’iisul Wasaare ku xigeenka dalka oo warbaahinta Maanta Muqdihso kula hadlay ayaa soo dhaweeyey Doorashadii Somaliland ka dhacday, iyo Guusha uu ka gaaray Xisbiga Kulmiye.

Waxa uu sheegay in Doorashada ay Saddexda Xisbiga iyo Dadka Deegaanada Maamulkaasi ay ka heleen ilbaxnimo, isla markaana ay tahay Guul usoo hoyatay.

Soomaaliya ayuu sheegay in ay kusoo beegan tahay doorashada qof iyo codkii ee la filayo 2020 ama 2021-ka, Cashirne looga qaadan karo Doorashadaasi.

Shacabka ayuu sheegay in ay ka tuusaaleysan karaan sida loo doorto Qofka ay rabaan, Muuse Biixi oo ah Madaxweynaha 5-aad ee Somaliland, isla markaana Waqti Xileedkiisu yahay 5-ta Sano Soo socoto.

Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayuu ku tilmaamay in uu yahay qof xog ogaal u ah Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya, waxa uuna ka rajeeyey in uu sii wado Wadahadala Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland.

Kaalin muhiim ah ayuu ku tilmaamay Madaxweyne Muuse in uu ka qaadan karo wada hadalkaasi, isagoona ka dalbaday in uusan seerin Fursadda sida uu hadalka u dhigay.

Muuse Biixi ayaa ku guueleystay Doorashadii 13-kii bishaan ka dhacday Deegaanada Somaliland, waxaana Natiijadii lagu dhawaaqay 21-kii November oo Shalay ku beegneed Ku guuleystay Hogaamiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale War Saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska Ra’isulwasaaraha ayaa sidaan u qornaa:

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu hanbalyeeyey guusha uu ka soo hoyayey doorashadii madaxtooyada ee dhowaan ka qabsoontay Somaliland. Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa tilmaamay in doorashadu ay ku dhacday si nabad ah oo daahfuran, isagoo tilmaamay in taasi muujinayso bisayl siyaasadeed ee madaxda iyo shacabka Somnaliland.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa axsaabta mucaaradka ku bogaadiyey sida ay ugu hoggaansameen natiijada doorashada, isagoo xusay in dhammaan dhinacyada siyaasadda ee Somaliland ka wada shaqeeyaan nabadda iyo horumarka Somaliland.

Ugu danbayeyntii, Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa Madaxweynaha la doortay ee Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi u rajeeyey in uu ku guuleysto xilka culus ee loortay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com