Ehelada gabadhii xubinta taranka laga dhaawacay oo dhibaato kala kulmaya guddoomiyaha Nugaal”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Odayaal, Waxgarad, Culumaa’udiin, Dhalinyaro iyo Haween Ehel iyo Qaraabo la ah Dhibane Fa’iza Cabdi oo ah Gabadhii sida xun loogu dhibateeyey Magaalada Boosaaso oo hadda dhaawicii loo getstey u jiifta Cusbataalka Erdogan Ex. Digfeer oo kulan ku qaatay Maanta Magaalada Muqdisho ayaa Eedayn u soo jeediyey Dowled Goboleedka Puntland, waxayna ku eedeeyeen iney Xukuumaddu  ka gaabisay xal u helida kiiska Gabadhooda

Nabadoon Bashiir Caydid oo ugu horayn kulanka ka hadlay ayaa yiri. “Waxaan u Mahad celinedynaa Madxwaynaha Jubbaland Mdane Axmed Maxamed Islaam (Axmed madoobe) oo gacan ka gaystey soo qabashada Eedeysanihii dhibaatada geystey, kasoo hadda lagu hayo Magaalada Garoowe”

Nabadoon Bashiir waxa uu wax kama jiraan ku tilmamay hadal uu sheegay in uu ka soo yeeray Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Mudane Cumar fara Weyne, waxa uuna yiri. “Waxaan Ummadda Soomaaliyeed u sheegaynaa in aaney waxba ka jirin hadalka uu sheegay Axmed Fara Weyne oo Magalada Garoowe ka sheegey in arinta Gabadheena Faa’iza la dhameeyey oo markii hore la siyaasadeyey hadana ay ka wada hadleen Ehelada labada dhinac , arintaas ayaan beenineynaa, waana wax kama jiraan”.

Waxaa kaloo kulanka ka hadlay Shiik Cumar Shiikh Abuukar oo codsaday in Maxkamd Cadaalad ah la hor keeno Eedaysane Cabdulqaadir Warsame, waxa uuna yiri. “Waxaan Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Tan Dowled Goboleedka Puntland si sharaf leh uga codsaneynaa iney ka shaqeeyaan sidii ninka dhibaatada intaa la’eg Gabadha u getstey Cadaaladda la hor keeno”.

Ugu dambayntii waxaa kulanka ka hadlay Aabaha Faa’iza waxa uuna yiri. “Gabadheyda cid iiga xog-ogaalsan ma jirto, sedax jeer ayaa Qaliin lagu sameeyey ilaa iyo hadana xaalkeedu ma fiicna, waxaa la ii sheegay in ninkii Gabdheyda dhibaatada foosha xun u geystey iyadoo xaaladeedu Qatar tahay uu ku raaxeysanyo Magaalada Groowe, waxa uuna garab badan ka helay eheladiisa kuwaas oo hore ugu saacidey inuu Kismaayo u baxsado”.