USA: 7 Soomaali ah oo loo maxkamadeynayo…!

Muqdisho (Caasimada Online) – Todobo ruux oo lagu eedeeyay iney qorsheynayeen ku biiritaanka ururka Daacish ayaa kasoo muuqanaya maanta oo Arbaco ah maxkamad ku taala dalka Mareykanka, si eedeymaha loo jeediyay loogu maxkamadeeyo.

Go’aan cad ayaa laga qaadanaya maanta dacwada dhalinyarada Soomaaliyeed loo heysto ee ah iney damacsanaayeen iney ku biiraan kooxda daacish ee ka dagaalanta Syria iyo Ciraaq.

Dhalinyaradaasi oo dhamaantood ku sugnaa gobolka Minnesota, waxaana ciidamada ay qabteen dhalinyarada qaarkood xili ay damacsanaayeen iney ka duulaan garonka diyaaradaha ee magaalada Minneapolis.

Michael Davis  oo ah qaadiga maxkamada dhalinyarada lasoo taagayo ayaa sheegay in dhalinyaradaasi maanta go’aan cad laga qaado doono.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah ayaa waxaa lagu eedeeyaa iney u duulaan dalalka Syria iyo Iraq si ay kaga bar bar dagaalamaan Daacish, waxaana marar badan lasoo taagay maxkamado kala duwan oo Mareykanka ku yaala.

Dhalinyarada maanta maxkamada lasoo taagayo ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Sakariye  Abdurahman, Hamza Ahmed, Abdirahman Daud, Adnan Farah, Mohamed Farah, Hanad Musse iyo Guled Omar.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com