XOG + CADDEYN: R/W CC oo shaqooyinka DFS u beddelay shaqo QABIIL kuna tixaya beeshiisa

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa sii kordhaayo dhaliilaha loo jeedinaayo Ra’isul wasaaraha dalka Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ee ku aadan kalsooni siinta Beesha uu kasoo jeedo.

Wareegtooyinka kasoo baxa Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar ayaa inta badan qeybaha khuseeya Arrimaha dibadda loogu magacaabaa shaqsiyaad ay hal beel wadaagan Cumar.

Caasimada Online ayaa heshay warqad uu Ra’isul wasaare Cumar xil ugu magacaabay Ganacsade ay qaraabo hoose yihiin, isaga oo xilkaasi ka qaaday Mas’uul kale oo in badan usoo shaqeeyey dalka.

Xasan Maxamed saciid Gacliye waa Mas’uul Soomaaliyeed oo ay ku fogtahay wadaniyada inbadana ka shaqeeyay arrimaha u danqashada Umadda Soomaaliyeed .

Xasan Maxamed saciid waxaa lagu magacaabay Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Gancsiga Somalia waxaana loo magacaabay u qeybsanaha Gancsiga Soomalida ee Dalka Kenya sida wareegtada ku xusan.
Xasan isaga oo aqbalaad ka sugaayo Wasiirka arrimaha Dibada ayaa waxaa lagu dul magacaabay Shaqsi kale oo ay qaraabo hoose yihiin Ra’isul wasaare Cumar, kaasi oo loo magacaabay u qeybsanaha Gancsiga Soomaalida ee Dalka Kenya.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar ayaa lagu magacaabay shaqsi kale oo lagu magacaabo Fu’aad kaasi oo uu wato Ra’isul wasaare Cumar marka dhanka kalane la eego waxa ay yihiin qaraabo dhow.

Xasan Maxamed saciid, ayaa arrintaani qiyaanada u eg ka qaaday Niyadjab weyn kaasoo ka dhashay falka uu sameeyay Ra’isul wasaaraha dalka.

Dhanka kale, arrinta noocaani ah ayaa caado ka noqotay Xafiiska Ra’isul wasaare Cumar oo isagu Howlaha Qaranka u muuqaal ekeysiiyay Howlo u gaar ah beeshiisa.

Capture