“Haddii uu Xasan mooday inuu ku bedbaadayo mooshinka cusub calowsaad ayuu ku jiraa”..!!!

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan BF Somalia garabka kasoo horjeeda Madaxweyne Xassan ayaa sheegay in Mooshinka lagu difaacaayo Xassan Sheekh uu yahay mid aan xalaal aheyn.

Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen, ayaa sheegay in waxba aysan soo kordhineynin Xildhibaano uu Xassan Sheekh ku dhoodhooba Madaxtooyada, waxa uuna carabka ku dhuftay in Mooshinkaasi uu yahay mid hal habeen ka hor loo gudbiyay Guddoonka Baarlamaanka.

Isaga oo bayaaninaayo Mooshinka cusub ayaa yiri “Cid waliba wey dareemi kartaa in Mooshinka lagu difaacaayo Xassan uu yahay mid loo adeegsanaayo wado qaldan oo aan xalaalba aheyn”

”Qodobada Mooshinka loo cuskaday waxaa ka mid ah in Xildhibaano ka laabten Mooshinkii hore iyo in Xildhibaano laga been abuurtay, waxaas sharci maaha”

“Anaga qodobo cad oo sharciga waafaqsan ayaan soo gudbinay, khalad ayayna ahayd in Guddoonka Baarlamaanka uu qabto Mooshin kale, isagoo gacanta ku haaya midkii hore.”

Waxa uu sheegay in sababta loo sameeyay Mooshinka cusub uu yahay mid ka danbeysay kadib markii Xassan Sheekh uu arkay xaqiiqda dhabta ah islamarkaana uu go’aansaday abaabulka Mooshin cusub.

“Haduu doono mooshin kale hasoo abaabulo balse waxaan u sheegayaa in waxba aan iska bedelin mowqifkeenii hore ee Mooshinka kaga keenay Xasan Sheekh Maxamuud”

Haddalka Xildhibaan C/laahi Jaamac Xuseen, ayaa muujinaaya in labada Mooshin ay yihiin kuwo is barbar socda oo aan la garan karin xalkiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com