Daawo Video: Jubbaland oo u jawaabtay Jawaari

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubba ayaa ka jawaabay hadalkii dhawaan kasoo yeeray gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan Jawaari oo ku aadanaa maamul goboleedyada dalka Soomaaliya.

Baarlamaanka Jubba ayaa sheegay in Jubbaland ay ka baxday xiligii kumeel gaarka ahaa, laakiin Jawaari uusan ka reebi karin maamul goboleedyada saxda ah ee loogu yeeri karo dowlad goboleed.

Qaar kamid ah xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland ayaa sheegay iney aad kaga caroodeen hadalka kasoo baxay Jawaari oo ahaa in Puntland maamul aan aheyn loogu yeeri karin dowlad goboleed ka dhisan Soomaaliya.

Xildhibaan Cabdi Xiish, oo kamid ah baarlamaanka Jubba, ayaa sheegay in maamulka Jubba uu yahay maamul dhameystiran oo ka dhisan Soomaaliya, looguna yeeri karo dowlad goboleedka Jubbaland.