Ahlu-Suna oo soo saaray war cad oo ku saabsan dhismaha maamulka Hiiraan & Shabellaha Dhexe

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Ahlusuna ee ka arrimiya Deegaanada Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Gobolka Galgaduud, ayaa war kasoo saaray dhismaha Maamulka ay DF Somalia u dhiseyso Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Madaxweyne Maxamed Shaakir oo la hadlay warfidiyeenada ayaa sheegay in DF Somalia ay caqabad ku tahay xal u helida dalka Somalia kadib markii uu sheegay inay dooneyso in Maamul ay u sameyso Gobolada Hiiraan iyo Sh/Dhexe.

Waxa uu sheegay in ka maamul ahaan ay kasoo horjeedan in Maamul loo sameeyo goboladaasi, waxa uuna tilmaamay in Gobolka Hiiraan uu kamid yahay Gobolada uu Maamulkiisa ka jiro sida uu hadalka u dhigay.

Waxa uu sheegay in xiligaani Maamulka Ahlusuna uu ku filan yahay maamulida Hiiraan, wuxuuna tallo xumi ku sheegay in DF Somalia ay Beesha Caalamka dhaqaale uga raadiso dhismaha Maamulada Goboladda Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe.

Maamulka Hiiraan ayuu uga digay inay la midoobaan Maamulka kale amaba ay u hogaansamaan awaamirta DF Somalia.

Geesta kale, Sheekh Shaakir ayaa taasi badalkeeda sheegay in Maamulka uu madaxweyanaha ka yahay ay ku mideysan yihiin Maamuladii hore ee Ximan iyo Xeeb, Galmudug iyo Ahlusunna.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com