Xog: R/W CC oo tagaya Jowhar iyo Beledweyne

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid oo salay ka soo laabtay socdaal uu Kismaayo ku tagay ayaa ku dhawaaqay inuu safar kale ku aadi doono magaalooyinka Baladweyne iyo Jowhar oo xarumo u kala ah Hiiraan iyo Sh.dhexe.

Ra’iisul wasaare Sharma’arke wuxu sheegay in ujeedka socdaalkiisa uu yahay dar dar gelinta qorshihii hore loogu heshiiyay ee ahaa in maamul goboleed loo dhiso Hiraan iyo shabeelaha dhexe tasoo dhawaa dib u dhac uu ku yimid.

“Jowhar iyo Baladweyne waxaan u tagayo waa xalinta madmadowga jira si loo bilaabo iyadoo la mideysan yahay shirkii maamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.”ayuu yiri Ra’iisulwasaare Sharmaake

Wararka ku dhow madaxtooyada ayaa sheegaya inay suurtagal tahay in Ra’isulwasaaruhu waqti badan geliyo sidii uu ugu kala dab qaadi lahaa labada dhinac marka la eego waxyaabaha la isku hayo sida halka shirku ka dhacayo iyo qeybsiga gudiyada farsamada oo muran badan uu ka taagan yahay.

Waxaa wali adag in la isku fahmo qaab dhismeedka maamulka loo sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe, waxaana dib u dhac ku yimid qorshaha la damacsanaa ee ahaa in 1 September inuu furmo shirka maamulka loogu sameynayo Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe.

 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdsho
Caasimada@live.com